1
Matayos 15:18-19
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Laakiin waxa qofka afkiisa kasoo baxa waxey ka yimaadaan qalbigiisa, waxaas ayaana nijaaseeya. Waxaa qalbiga kasoo baxa fikiradaha sharta leh, dilka, sinada, gogol dhaafka, tuuganimada, marqaatifurka beenta ah iyo caayda.
Cymharu
Archwiliwch Matayos 15:18-19
2
Matayos 15:11
Dadka waxey afka ka cunaan ma nijaaseeyo, laakiin waxa afkooda kasoo baxa ayaa nijaaseeya.”
Archwiliwch Matayos 15:11
3
Matayos 15:8-9
“ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda, laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin. Si been ah ayey ii caabudaan, waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’ ”
Archwiliwch Matayos 15:8-9
4
Matayos 15:28
Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Marwayahay, waxaad leedahay iimaan weyn! Waxaad codsatayna waa laguu yeelay.” Isla markiiba gabadheedi wey bogsatay.
Archwiliwch Matayos 15:28
5
Matayos 15:25-27
Markaas ayaa haweeneydii timid oo Ciise ku hor sujuuday iyadoo leh, “Sayidow, i caawi!” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.” Markaas ayey haweeneydii ku tiri, “Haa waa run Rabbiyow, xitaa eeyuhu waxey cunaan jababka kasoo dhaca miiska sayidkooda.”
Archwiliwch Matayos 15:25-27
Gartref
Beibl
Cynlluniau
Fideos