لۆگۆی یوڤێرژن
ئایکۆنی گەڕان

Matayos 25

25
Tusaalihii tobanka gabdhood
1 “Waqtigaas boqortooyada jannada waxey ahaan doontaa sida toban gabdhood oo bikro ah ee feynuustooda qaatay banaankana aaday si ey ula kulmaan ninka arooska ah. 2Shan ka mid ah waxey ahaayeen doqomo shanta kalana waxey ahaayeen kuwo caqli leh. 3Kuwii doqomada ahaa waxey qaateen feynuusyadooda laakiin saliid seytuun#25:3 Dadkii hore saliid saytuun ayey feynuusta ku shidan jireen. ma qaadan. 4Kuwii caqliga lahaa waxey feynuusyadooda la qaateen weelel saliid seytuun ah. 5Ninka arooska ah wuu soo daahay, kuligoodna hurda ayaa qabatay weyna seexdeen.
6 “Markey habeen barkii ahayd ayaa qof qayliyay oo yiri, ‘Waa kan ninka arooska ah ee kaalaya la kulma!’
7 “Markaas ayey bikradihii oo dhan kaceen waxey bilaaabeen iney feynuusyadooda diyaarsadaan. 8Kuwii doqomada ahaa ayaa kuwii caqliga lahaa ku yiri, ‘Feynuusyadeena wey demayaane xoogaa saliid seytuun ah na siiya.’
9 “Markaas ayey kuwii caqliga lahaa ku jawaabeen, ‘Maya, naaftadan ma nagu wada filna, ee u taga kuwa naaftada gada oo kasoo gata.’
10 “Markey tageen si ey u soo gataan naafto ayaa waxaa yimid ninkii arooska ahaa. Gabdhihii diyaarka ahaa ayaa u raacay arooskii oo gurigii arooska la galay, albaabkiina waa la xiray.
11 “Kadib gabdhihii doqomada ahaa ayaa yimid gurigii arooska, waxeyna ku qayliyeen, ‘Sayidow, Sayidow, albaabka naga fur!’
12 “Laakiin ninkii arooska ahaa ayaa ku jawaabay, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, anigu idin ma aqaan.’
13 “Sidaa darteed is ilaaliya, waayo ma garaneysaan maalinta iyo waqtiga uu Wiilka Aadanahu imaanayo.
Tusaalihii saddexda adeege
14 “Sidoo kale, boqortooyada Illaahey waa sida nin safar u socda, oo u yeeray adeegayaashiisa kuna aaminay maalkiisa. 15Midkood wuxuu siiyay shan jawaan oo dahab ah, mid kalana laba jawaan, mid kalana hal jawaan, mid walba intay awooddiisa ahayd. Kadibna wuu safray. 16Ninkii shanta kiishad ee dahabka ah la siiyay isla markiiba wuu tagay oo ku shaqeeyay lacagtii waxeyna dhashay shan kiishad oo kale. 17Sidoo kale ayuuna sameeyay kii labada jawaan la siiyay waxeyna u dhashay laba jawaan oo kale. 18Laakiin ninkii helay halka jawaan wuu tagay, wuxuuna dhulka ka qoday god oo ku aasay lacagtii sayidkiisa.
19 “Muddo dheer kadib ayuu sayidkii adeegayaasha soo laabtay wuuna la xisaabtamay. 20Ninkii shanta kiishad la siiyay wuxuu keenay shan kiishad oo kale, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waxaad igu aamintay shan jawaan fiiri waxaan kuu keenay iyadoo ey la socdaan shan kiishad oo kale.’
21 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, waxaadna tahay adeege fiican oo aamin ah! Waxaadna aamin ku noqotay wax yar, laakiin hadda waxaan kugu aamini doonaa wax badan. Kaalay la wadaag mudanahaaga farxadiisa!’
22 “Sidoo kale waxaa yimid ninkii labada kiishad la siiyay, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waxaad igu aamintay laba kiishad fiiri waxaan kuu keenay iyadoo ey la socdaan laba kiishad oo kale.’
23 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, waxaadna tahay adeege fiican oo aamin ah! Waxaadna aamin ku noqotay wax yar, laakiin hadda waxaan kugu aamini doonaa wax badan. Kaalay la wadaag mudanahaaga farxadiisa!’
24 “Kadib waxaa yimid ninkii halka kiishad la siiyay, wuxuuna yiri, ‘Sayidow, waan ogaa inaad tahay nin ad adag, oo gurta mirro uusan beeran oona urursada mirro uusan daadin. 25Sidaa darteed waan kaa cabsaday waana tagay oo dhulka ayaan ku aasay dahabkaagi. Waana kan maalkii aad i siisay.’
26 “Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Adeege yahow sharta leh oo caajislowga ah! Waad ogayd soo ma aha inaan gurto wax aanan beeran oo aan urursado mirro aanan daadin? 27Haddaba waxaa la rabay inaad lacagteyda u dhiibto kuwa bangiga jooga oo markaan soo laabtana helo iyadoo ey faa’iido la socoto.
28 “ ‘Hadda ka qaada jawaankiisa dahabka ah oo siiya midka tobanka jawaan haysta. 29Waayo mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, wuxuuna haysan doonaa wax badan. Laakiin kuwa aan waxba haysan xitaa waxa yar oo ey haystaan ayaa laga qaadi doonaa. 30Ee adeegahan aan qiimaha lahayn banaanka mugdiga ah ku tuura, halkaas oo ey dadku barooranayaan ilkahana xanuun dartiis iskugu garaaci doonaan.’
Maalinta xisaabta
31 “Markii uu Wiilka Aadanahu ammaantiisa ku yimaado, malaa’igtiisuna ey la socdaan, wuxuu ku fariisan doonaa carshiga ammaantiisa. 32Quruumaha oo dhan ayaa hortiisa la soo istaajin doonaa wuxuuna dadka u kala sooci doonaa sida arijirku idaha iyo ariga u kala sooco. 33Wuxuu idaha istaajin doonaa midigtiisa riyahana bidixdiisa.
34 “Kadib boqorku wuxuu kuwa midigtiisa taagan ku dhihi doonaa, ‘Kaalaya, kuwii uu Aabahay barakeeyayow, dhaxalkiina ka qaata boqortooyadii la idiin diyaariyay aduunka abuuritaankiisi. 35Waayo waan gaajeysnaa waxaadna isiiseen waxaan cuno, waan haraadsanaa waxaadna isiiseen waxaan cabo, waxaan ahaa qariib waxaadna igu soo dhawayseen gurigiina, 36waxaan u baahnaa dhar waadna isiiseen, waan xanuusanaa waadna i daryeesheen, waxaan ku jiray xabsi waadna igu soo booqateen.’
37 “Kadib kuwii xaqa ahaa ee midigtiisa taagnaa ayaa ku jawaabi doona, ‘Sayidow, goormaan ku aragnay adigoo gaajeysan oo aan ku quudinay, ama aan ku aragnay adigoo haraadsan oo aan biyo ku siinay? 38Goormaan ku aragnay adigoo qariib ah oo aan ku soo dhawaynay, ama adigoo dhar u baahan oo aan dhar ku siinay? 39Goormaan ku aragnay adigoo xanuusan ama xabsi ku jira oo aan ku soo booqanay?’
40 “Markaas ayuu boqorku ku jawaabi doonaa, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, mar walboo aad walaalaheyga u sameysaan dadkeyga xitaa midkooda ugu qiimaha yar, aniga ayaad asxaan ii sameyseen.’
41 “Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa. 42Waayo waan gaajeysnaa laakiin waxaan cuno ima siinin, waan haraadsanaa laakiin waxaan cabo ima siinin, 43waxaan ahaa qariib laakiin gurigiina iguma soo dhawaynin, waxaan u baahnaa dhar laakiin dhar ima siinin, waan xanuusanaa oo xabsi ayaan ku jiray laakiin ima soo booqan.’
44 “Markaas ayey sidoo kale ku jawaabi doonaan, ‘Sayidow, goormaan ku aragnay adigoo gaajeysan ama haraadsan ama qariib ah ama dhar u baahan ama xanuusan ama xabsi ku jira, oo aanan ku caawin?’
45 “Wuxuu ku jawaabi doonaa, ‘Runtii waxaan idin ku leeyahay, waxaad u sameyn weydaan dadkeyga xitaa midkooda ugu qiimaha yar, anigana waad ii sameyn weydeen.’
46 “Kadibna waxaa lagu tuuri doonaa cadaabta weligeed ah, laakiin kuwa xaqa ah waxaa la galin doonaa nolosha weligeed ah.”

دیاریکراوەکانی ئێستا:

Matayos 25: EI

بەرچاوکردن

هاوبەشی بکە

لەبەرگرتنەوە

None

دەتەوێت هایلایتەکانت بپارێزرێت لەناو ئامێرەکانتدا> ? داخڵ ببە