Matayos 19
19
Furiinka
1Markii uu Ciise hadalkiisi dhameystay ayuu ka tagay Galili, wuxuuna aaday deegaanka Yahuudiya oo ah dhinaca kale ee webi Urdun. 2Waxaana soo raacay dad badan, halkaasuuna ku bogsiiyay.
3Markaas ayaa qaar ka mid ah Farrisiintii u yimaadeen Ciise si ey u tijaabiyaan waxeyna weydiiyeen, “Ma banaantahay in ninku uu ku furo xaaskiisa sabab kasta?”
4Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Miyeydan ogayn in bilowgii Illaahey abuuray nin iyo naag, 5uuna yiri, ‘Sababtaas darteed ninku wuxuu ka tagi doonaa aabihiis iyo hooyadiis wuxuuna la midoobi doonaa xaaskiisa, labadooduna waxey noqon doonaan hal jir’? 6Haddaba laba ma kala aha, laakiin waxey isku yihiin hal jir. Sidaa darteed wax uu Illaahey hal ka dhigay qofna yuusan kala kaxayn.”
7“Maxay Haddaba,” u weydiiyeen, “Miyuu Muuse amray in ninku xaaskiisa siiyo warqadda furitaanka oo uu iska diro?”
8Ciise ayaa ugu jawaabay, “Qalbiyadiina adag dartood ayuu Muuse idiin kugu baneeyay inaad naagihiina furtaan. Laakiin bilowgii Illaahey muusan rabin. 9Waxaan idin ku leeyahay mid walboo xaaskiisa fura, iney sineysatay aawadeed maahee, oo guursada haweeney kale wuu sineystay.”
10Kadib xertii ayaa Ciise ku tiri, “Haddii xaaladda ninka iyo naagta is qaba ey sidan tahay, waxaa ka wanaagsan in aan la guursan.”
11Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Dadka oo dhan ereygan ma wada aqbali karaan, laakiin waxaa aqbali kara oo kaliya kuwa la siiyay awoodda ey doob ku ahaadaan. 12Dadka qaar ma guursan karaan cilad ey ku dhasheen awgeed, qaar kalana ma guursan karaan jirkooda oo la dhufaanay awgeed, qaar kalana boqortooyada jannada darteed ayeysan u guursan. Qofkii raba inuu arintan aqbalo ha aqbalo.”
Ciise oo caruurta yar yar barakeeyay
13Kadib dad ayaa u keenay Ciise caruur yar yar si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo. Laakiin xertii ayaa iyaga canaantay.
14Markaas ayuu Ciise ku yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada jannada waxaa leh iyagoo kale.” 15Ciise markii uu caruurtii gacmihiisa madaxa ka saaray kadib ayuu halkaas ka tagay.
Ninkii taajirka ahaa
16Isla markiiba nin ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay, “Macalinow, maxaa wanaag ah oo aan sameeyaa si aan nolosha weligeed ah u helo?”
17Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad ii weydiineysaa waxa wanaagsan? Kan wanaagsan waa Illaahey oo kaliya. Haddii aad rabto inaad nolosha weligeed ah hesho amarradiisa ilaali.”
18Ninkii ayaa yiri, “Kuwee ayaan ilaaliyaa.”
Ciise ayaa ku yiri, “ ‘Waa in aadan qof dilin, waa in aadan sineysan, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, 19Aabahaa iyo hooyadaa qadari, deriskaagana u jeclow sidaad naftaada u jeceshahay.’ ”
20Ninkii dhalinyarada ahaa ayaa ku jawaabay, “Kuwan oo dhan waan ilaaliyay, maxaa kale oo aan sameeyaa?”
21Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto inaad wanaagsanaato, tag oo gad hantidaada kadibna masaakiinta sii, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.”
22Markii uu ninkii dhalinyarada ahaa maqlay hadalkaas, wuu tagay isaga oo murugaysan, waayo wuxuu lahaa maal badan.
23Kadib Ciise ayaa ku yiri xertiisa, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, wey adagtahay in qof hanti leh uu galo boqortooyada jannada. 24Waxaan kale oo aan idin ku leeyahay, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.”
25Markey xertii arintaas maqleen aad ayey ula yaabeen, waxeyna Ciise weydiiyeen, “Haddaba yaa badbaadi kara?”
26Ciise ayaa intuu iyaga fiiriyay ku yiri, “Binu aadanka agtooda arintan macquul kama aha, laakiin Illaahey xaggiisa wax walba suurtagal ayey ka yihiin.”
27Butros ayaa ku jawaabay, “Wax walba waan kasoo tagnay si aan kuu raacno! Haddaba maxaan heli doonnaa?”
28Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil. 29Qof walboo aniga dartey uga soo tagay guri ama walaalo wiilal ah ama walaalo gabdho ah ama aabe ama hooyo ama xaas ama caruur ama beero wuxuu heli doonaa boqol jibaar wixii uu kasoo tagay wuxuuna dhaxli doonaa nolosha weligeed ah. 30Laakiin kuwo badan oo sareeya wey hooseyn doonaan kuwo badan oo hooseeyana wey sareeyn doonaan.
دیاریکراوەکانی ئێستا:
Matayos 19: EI
بەرچاوکردن
هاوبەشی بکە
لەبەرگرتنەوە
دەتەوێت هایلایتەکانت بپارێزرێت لەناو ئامێرەکانتدا> ? داخڵ ببە
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.