Markos 14
14
Ciise waxaa lagu subkay Beytaniya
1Haddaba waxey ahayd laba maalmood ka hor Dabaaldaga Iidda kormaridda iyo Iiddii kibista aan khamiirka lahayn. Gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse ayaa si sir ah u qorsheynayay si ey Ciise u qabtaan oo ey xabsiga u geliyaan una dilaan. 2Waxey yiraahdeen, “Waa in aanan qaban waqtiga dabaaldegga lagu guda jiro waayo dadka ayaa rabshad kicin doona.”
3Isaga oo jooga magaalada Beytaniya oo wax ka cunaya guriga Simoon kii baraska qabi jiray, markaas ayaa naag halkaas la timaaday dhalo laga sameeyay dhagax qaali ah, oo cadar qaali ah leh ku jiro oo laga sameeyay ubax saafi ah, markaas ayey dhaladii furtay oo ey cadarkii madaxa Ciise ku shubtay.
4Arintan aad ayey martidii halkaas joogtay uga xanaajisay oo waxey dhexdooda isku yiraahdeen, “Maxaa cadarkan loo khasaariyay? 5Cadarkaas waxaan ku iibin lahayn saddex boqol oo diinaar lacagtana masaakiinta ayaan siin lahayn.” Waxeyna bilaabeen iney aad ugu qayliyaan naagtii.
6Markaas ayaa Ciise yiri, “Daaya, maxaad iyada u dhibeysaan? Wax wanaagsan ayey ii sameysay. 7Dadka masaakiinta ah weligood ayey idin la joogi doonaan, oo waqtigaad doontaan ayaad caawin kartaan. Laakiin anigu weligiin idin lama joogi doono. 8Waxey awoodey ayey sameysay. Cadar ayey jirkeyga ku shubtay si ey iigu sii diyaariso duugteyda. 9Runtii waxaan idin ku leeyahay, meel walboo aduunka ka mid ah oo injiilka laga wacdiyo waxey sameyseyna waa laga sheegi doonaa si iyada loogu xasuusto.”
10Kadib Yuudas Iskariyod oo ka mid ah laba iyo tobankii xerta Ciise, ayaa u tagay gudoomiyayaashii wadaaddada si uu u soo gacangeliyo Ciise. 11Aad ayey arintan ugu farxeen, waxeyna isaga ka ballanqaadeen iney lacag siiyaan. Sidaa darteed wuxuu raadiyay fursad uu Ciise kusoo gacangeliyo.
Cashadii ugu dambeysay
12Maalintii ugu horeysay ee Iidda Dabaaldega kibista aan khamiirka lahayn. Caadaduna waxey ahayd in wankii Iidda Kormaridda la qalo markaas ayaa xertii Ciise ku yiraahdeen, “Halkee ayaad dooneysaa inaan kuugu diyaarino cuntada Iidda Kormaridda?”
13Markaas ayaa Ciise diray laba xertiisa ah oo ku yiri, “Taga magaalada waxaadna la kulmi doontaan nin ashuun biyo ah wada. Raaca isaga. 14Ninka guriga leh waxaad ku dhahdaan, ‘Macalinku wuxuu kugu yiri, waa xaggee qolka martida, meesha aan kula cunayo xerteyda cashada Iidda kormaridda.’ 15Wuxuu idin ka tusi doonaa qol weyn oo qeybta sare ah oona goglan. Halkaas cashada noogu diyaariya.”
16Xertiina wey baxeen oo waxey aadeen magaaladii oo wixii Ciise ku yiri ayey la kulmeen. Sidaa darteed waxey diyaariyeen cashada Iiddii kormaridda.
17Markii fiidkii la gaaray ayaa Ciise la yimid laba iyo tobankii xertiisa ahayd. 18Ciise iyo xertiisa oo isla cunteynaya ayaa Ciise yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, midkiin ayaa i gacangelin doona, mid hadda ila cunteynaya.”
19Arintaas aad ayey xertii uga xumaadeen, wuxuuna mid walba ku yiri Ciise, “Runtii ma aniga ayaad iga wadaa?”
20Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Waa mid ka mid ah laba iyo tobanka xerta ah, kaasoo baaquliga gacanta igula jira. 21Wiilka Aadanahu waa inuu dhinto siduu qoraalku sheegayo. Waxey hoog u tahay midka Wiilka Aadanaha gacangelinaya! Ninkaas waxaa u roonaan lahayd in uusan dhalanin.”
22Intey wax cunayeen, Ciise wuxuu kor u qaaday kibis, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadibna wuu kala gooyay wuxuuna xertii ku yiri, “Qaata kani waa jirkeyga.”
23Kadibna wuxuu kor u qaaday koob sharaab ah, markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu iyagii siiyay, iyagoo dhan ayaa koobkii ka cabay.
24Wuxuuna iyagii ku yiri, “Kani waa dhiigeyga axdiga cusub kaasoo loo daadshay dad badan.” 25“Runtii waxaan idin ku leeyahay, mar dambe ma cabi doono miraha geedka canabka ah illaa maalinta aan boqortooyada Illaahey kaga cabi doono iyadoo cusub.”
26Markey hees ammaan ah qaadeen kadib ayey aadeen Buur Saytuun.
Ciise oo sii sheegay Butros inuu dafiri doono
27Ciise ayaa xertiisa ku yiri, “Idinka oo dhan waad iga carari doontaan, waayo wey qoran tahay,
“Waxaan dili doonaa arijirka,
iduhuna wey kala carari doonaan.
28 Laakiin markaan dhimashada kasoo sarakaco, waxaan idin kaga hor mari doonaa Galili.”
29Markaas ayaa Butros yiri, “Xitaa haddii iyagoo dhan kaa tagaan anigu ma kaa tagi doono.”
30Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan ku leeyahay, caawa inta uusan diiqu laba mar ciyin ka hor ayaad adigu saddex jeer dhihi doontaa kuma garanayo.”
31Laakiin Butros ayaa aad ugu adkeystay oo yiri, “Xitaa haddii ey noqoto inaan kula dhinto waan kula dhiman doonaa, laakiin kuma inkiri doono.” Xertii kalana sidaas oo kale ayey yiraahdeen.
Ciise oo duceystay
32Ciise iyo xertiisi waxey tageen meel la yiraahdo Getsemane, wuxuuna iyaga ku yiri, “Halkan fariista intaan kasoo duceysanayo.” 33Wuxuu sii watey Butros, Yacquub iyo Yooxanaa, aad ayuuna u murugoonayay una dhibaateysnaa. 34Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Nafteyda murugo ayaa ka buuxsantay illaa heer dhimasho. Meeshan jooga oo ila soo jeeda.”
35Ciise xoogaa yar ayuu iyagii ka dhex baxay oo jilbaha dhulka dhigtay oo duceystay, 36Wuxuuna yiri, “Aabow, wax walba waad awoodaa, koobkan silaca ah iga leexi. Laakiin doonisteyda maahane doonistaada ha ahaato.”
37Kadib Ciise wuxuu kusoo laabtay xertiisi wuxuuna u yimid iyagoo hurda. Markaas ayuu ku yiri Butros, “Simoonow ma seexatay? Xitaa hal saac ma soo jeedi kartid miyaa? 38Soo jeeda oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin. Ruuxdu wey rabtaa laakiin jirku waa daciif.”
39Kadib Ciise intuu baxay ayuu kusoo duceystay isla ducadii. 40Markii uu mar labaad soo laabtay ayuu haddana u yimid iyagoo hurda, waayo hurdada oo ka badatay darteed ma soo jeedi karin oo waxey yiraahdaanna ma eysan garaneyn.
41Ciise markii saddexaad ayuu u soo laabtay xertii wuxuuna ku yiri, “Weli ma hurdo iyo nasasho ayaad ku jirtaan! Fiiriya waqtigii Wiilka Aadanaha loo gacangelin lahaa dembiilayaasha waa la gaaray. 42Kaca aan tagnee! Wuu yimid kii i gacangelin lahaa!”
Ciise oo la qabtay
43Ciise oo weli sii hadlaya ayaa Yuudas kii gacangelin lahaa yimaaday. Wuxuu ka mid ahaa laba iyo tobankii xerta Ciise. Waxaa isaga la socday niman badan oo hubeysan oo wata seefo iyo ulo, waxaana soo diray gudoomiyayaasha wadaaddada, macalimiinta sharciga iyo odayaasha.
44Haddaba Yuudas ayaa wuxuu iyaga kula heshiiyay calaamad ey ku gartaan Ciise wuxuuna ku yiri, “Kan aan dhunkado waaye ninka aad raadineysaan ee qabta, oo kaxeeya idinka oo ilaalinaya.” 45Si toos ah ayuu Yuudas u abaaray Ciise wuxuuna ku yiri, “Macalinow!” Wuuna dhunkaday. 46Nimankii ayaa qabtay Ciise oo xiray. 47Kadib mid ka mid ah kuwii meesha taagnaa ayaa seeftiisi la soo baxay oo dhagta ka gooyay mid ka mid ah adeegayaashii wadaadka sare.
48Markaas ayaa Ciise yiri, “Maxaad ula timaadeen seefo iyo ulo inaad i qabataan sidii inaan ahay tuug? 49Maalin walba waan idin la joogay, oo macbadka ayaan wax idin ku barayay, mana i qabanin. Laakiin qorniinku waa inuu dhaboobaa.” 50Markaas ayaa xertii oo dhan kala carareen oo kaligiis ayey meesha ku dhaafeen.
51Nin dhalinyaro ah oo maro yar oo qaali ah dhexda ugu xirneyd ayaa Ciise daba socday. Markey isaga qabteen, 52ayuu kafakaday isaga oo qaawan oo maradiisiina meeshuu ku dhaafay.
Ciise oo la hor keenay shirkii dadka
53Ciise waxaa loo geeyay wadaadka sare. Kadib gudoomiyayaashii wadaaddada, odayaashii, macalimiintii sharciga oo dhan ayaa isku yimaaday. 54Markaas waxaa Ciise meel fog kasoo daba socday Butros. Markii uu gaaray deyrkii guriga wadaadka sare ayuu la fariistay kuwii halkaas ilaalinayay si uu dabka iskugu kululeeyo.
55Gudoomiyayaashii wadaaddada iyo kuwii shirka ku jiray oo dhan ayaa waxey raadinayeen cadeyn ey Ciise ku dilaan. Laakiin wax cadeyn ah ma eysan helin. 56Kuwa badan ayaa marqaatifur been ah ka sheegay, laakiin waxey ka sheegeen isku mid ma ahayn.
57Kadib waxaa kacay qaarkood oo marqaati been ah ka sheegay iyagoo leh, 58“Waxaan maqalnay isaga oo leh, waxaan burburin doonaa macbadkan gacanta binu aadanka lagu sameeyay saddex maalmood kadibna waxaan dhisi doonaa ku kale oo aan gacan binu aadan lagu dhisin.” 59Laakiin weli marqaatifurkooda isku mid ma ahayn.
60Kadib wadaadkii sare ayaa istaagay oo Ciise weydiiyay, “Maxaadan waxyaalahan uga jawaabeynin oo aadan isku difaaceynin? Waa maxey marqaatifurkaan ey nimankan kaa sheegayaan?” 61Laakiin Ciise wuu aamusay oo uma jawaabin.
Kadib wadaadkii sare ayaa weydiiyay, “Ma waxaad tahay Masiixa? Wiilka kan barakeysan?”
62Ciise ayaa ku yiri, “Haa waan ahay, mar dhow waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”
63Markaas ayaa wadaadkii sare intuu dharkiisi jeex jeexay kadibna dadkii weydiiyay, “Maxaan uga baahannahay marqaati kale? 64Waad maqasheen caayda. Go’aankiinu waa maxey?”
Iyagii oo dhan ayaa xukumay in la dilo. 65Kadib qaarkood ayaa bilaabay iney isaga candhuuf ku tufaan, indhahana ka xiraan oo ey garaacaan, iyagoo leh “Noo sheeg qofka kugu dhuftay!” Askartiina wey kaxeeyeen oo garaaceen.
Butros oo Ciise dafiray
66Butros oo weli jooga deyrka, ayaa gabar wadaadka sare adeege u ahayd timaaday. 67Markey aragtay Butros oo dabka isku kululeynaya ayey si fiican u fiirisay.
Markaas ayey tiri, “Adiga xitaa waxaad la jirtay Ciisihii reer Naasared.”
68Laakiin wuu dafiray, wuxuuna yiri, “Ma garanayo, waxaad leedahayna ma fahmayo.” Markii uu saas yirina albaabka ayuu kasii baxay, kadibna diiqii ayaa ciyay.
69Gabadhii adeegaha ahayd markey haddana Butros aragtay ayey ku tiri, “Ninkan wuxuu ka mid yahay xerta Ciise.” 70Haddana wuu dafiray.
Wax yar kadib ayaa kuwii Butros agtaagnaa ku yiraahdeen, “Xaqiiqdii waxaad tahay midkood, waayo waxaad tahay reer Galili.”
71Haddaba Butros wuxuu bilaabay inuu is habaaro isaga oo dhaaranaya, “Ma garanayo ninkan aad ka hadleysaan.”
72Isla markii ayaa diiqii laba mar ciyay. Kadib Butros wuxuu xasuustay hadalkii uu Ciise ku yiri oo ahaa, “Inta uusan diiqu laba jeer ciyin, saddex mar ayaad i dafiri doontaa.” Markaas ayuu oohin bilaabay.
Currently Selected:
Markos 14: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.