YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 7

7
Xukunka dadka kale
1 “Ha xukumina yaan la idin xukumine. 2Waayo sidaad dadka u xukuntaan ayaa la idiin xukumi doonaa, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa.
3 “Maxaad u fiirineysaa saxarka isha walaalkaa ku jira oo aadan u arag dogobka ishaada ku jira? 4Sidee ayaad ugu dhihi kartaa walaalkaa, ‘Kaalay aan saxarka ishaada ku jira kaa bixiyee,’ adigoo dogob ishaada ku jira? 5Labawejiilayahow, marka hore dogobka ishaada ku jira iska bixi, kadibna si fiican ayaad u arki doontaa marka aad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarayso.
6 “Eeyaha ha siinina waxa quduuska ah, luulkiinana ha u tuurina doofaarrada, waayo wey ku dul tumanayaan kadibna wey kugu soo laabanayaan oo wax ayey kuu geysanayaan.
Weydii, doondoon, garaac
7 “Weydiista waana la idin siin doonaa, doondoona waadna heli doontaan, garaaca albaabkana waa la idin ka furi doonaa. 8Waayo qof walboo weydiista waa la siiyaa, mid walboo doondoonana wuu helaa, mid walboo garaacana, albaabka waa laga furi doonaa.
9 “Midkee ayaa idin ka mid ah oo haddii uu wiilkiisu weydiisto kibis, siinaya dhagax? 10Ama haddii uu weydiisto kalluun, siinaya mas? 11Haddaba idinkan sharta leh haddaad garaneysaan sida wax fiican loo siiyo caruurtiina, intee ka badan ayuu Aabihiinna samada jooga siinayaa wax fiican inta weydiisata oo dhan! 12Ula dhaqan dadka kale sidii aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo. Tani waa wixii ey kitaabadii nebiyada iyo sharcigii Muuse ka hadlayeen.
Iridda ciriiriga ah iyo iridda waasaca ah
13 “Albaabka ciriiriga ah ka gala waayo albaabka wadada dadka hoogga ku hagtaa waa waasac, jidka dhinaceeda aadana wey fududahay in la maro, oo dad badan ayaa albaabkaas ka gala. 14Laakiin iridda noloshu waa ciriiri, jidka dhinaceeda aadana wey adagtahay in la maro, oo dad yar ayaa hela.
Nebiyada beenta ah
15 “Iska jira nebiyada beenta ah! Waxey idiin imaanayaan iyagoo qaba dharka idaha, laakiin gudaha waxey ka yihiin yeey wax weerareysa. 16Mirahooda ayaad ku garan doontaan. Dadku miyay canab ka gurtaan geed qodxa leh, berdana miyaa laga gurtaa geedka tiitiinka? 17Geed walboo wanaagsan wuxuu dhalaa mirro wanaagsan, laakiin geed walboo xun wuxuu dhalaa mirro xun. 18Geed wanaagsan ma dhali karo mirro xun, geed xunna ma dhali karo mirro wanaagsan. 19Geed walboo aan mirro wanaagsan dhalin waa la goyn doonaa dabkaana lagu tuuri doonaa. 20Sidaa darteed mirahooda ayaad ku garan doontaan.
Xerta runta ah iyo xerta beenta ah
21 “Ma aha in qof walboo igu yiraahda, ‘Rabbiyow, Rabbiyow,’ uu gali doono boqortooyada jannada, laakiin waxaa gali doona oo kaliya kuwa adeeca doonista Aabahayga jannada ku jira. 22Dad badan ayaa maalinta wax la xukumayo igu dhihi doona, ‘Rabbiyow, Rabbiyow, miyaanan magacaaga wax ku sii sheegin oo aanan magacaaga ruuxyada wasakhda leh ku bixin oo aanan magacaaga mucjisooyin ku sameynin?’ 23Kadibna si cad ayaan ugu dhihi doonaa, ‘Weligey idin ma aqoon. Iga fogaada, xumaan falayaal yahow!’
Labadii nin ee guryaha dhistay
24 “Qof walboo ereyadayda maqla oo ku dhaqma waa sidii nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagax. 25Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, laakiin ma uu dumin, maxaa yeelay aasaaskiisu wuxuu ku dhisnaa dhagax. 26Laakiin qof walboo ereyadayda maqla oo aan ku dhaqmin waa sida nin doqon ah oo gurigiisa ka dul dhisay ciid. 27Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, si xun ayuuna u burburay.”
28Markii uu Ciise hadalkii dhameystay, wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadkii badnaa, 29waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh mana uu ahayn sida macalimiintooda sharciga oo kale.

Currently Selected:

Matayos 7: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in