YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 15

15
Waxa dadka nijaaseeya
1Waqtigaas qaar Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga Muuse ka mid ah ayaa Ciise uga yimid Yeruusaalem oo weydiiyay, 2“Maxeysan xertaadu u jibiyaan dhaqanka odayaasha? Waayo ma dhaqaan gacmahooda inta eysan wax cunin ka hor!”
3Ciise ayaa ugu jawaabay, “Idinku maxaad amarrada Illaahey u jabisaan idinka oo raacaya dhaqamadiina? 4Waayo Illaahey wuxuu yiri, ‘Aabahaa iyo hooyadaa xushmee’ iyo ‘Qofkii caaya aabihiis ama hooyadiis waa in la dilaa.’ 5Laakiin waxaad dhahdaan ma banaana in qof uu siiyo hooyadiis iyo aabihiis maalkiisa hadduu ku yiraahdo ‘Illaahey ayaan hadiyad ugu baxsaday wixii aan idin siin lahaa.’ 6Miyeydan u jabinin ereyga Illaahey caadadiina darteed. 7Labawejiilayaal yahow! Nebi Isayos wuu saxsanaa markii uu sii sheegay waxa idin ku saabsan,
8 “ ‘Dadkan waxey igu qadariyaan afkooda,
laakiin qalbiyadoodu aad ayey iiga fog yihiin.
9 Si been ah ayey ii caabudaan,
waxeyna dadka baraan amarro binu aadanku sameeyay.’ ”
10Kadib Ciise intuu dadkii badnaa iskugu yeeray ayuu ku yiri, “Waxaan idinku leeyahay dhageysta oo fahma. 11Dadka waxey afka ka cunaan ma nijaaseeyo, laakiin waxa afkooda kasoo baxa ayaa nijaaseeya.”
12Kadib Ciise waxaa u yimid xertiisi oo weydiiyeen, “Miyaad ogtahay iney Farrisiintu xanaaqeen markey arintan maqleen?”
13Markaas ayuu Ciise ugu jawaabay, “Geed walboo uusan Aabahayga jannada ku jira abuurin waa la rujin doonaa. 14Iska dhaafa waayo iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal kale hogaaminaya, markii uu indhoole hogaamiyo indhoole kale iyagoo dhan hog ayey ku wada dhacaan.”
15Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Tusaalaha noo macnee.”
16Ciise ayaa weydiiyay, “Ilaa hadda waxa aan ku hadlayo ma eydan fahmin miyaa? 17Miyeydan ogayn in wax walboo afka galaa ey caloosha tagaan kadibna suuliga la geeyo? 18Laakiin waxa qofka afkiisa kasoo baxa waxey ka yimaadaan qalbigiisa, waxaas ayaana nijaaseeya. 19Waxaa qalbiga kasoo baxa fikiradaha sharta leh, dilka, sinada, gogol dhaafka, tuuganimada, marqaatifurka beenta ah iyo caayda. 20Waxyaalahan ayaa qofka nijaaseeya, laakiin gacan aan la dhaqin oo wax lagu cuno qofka ma nijaaseyso.”
Iimaankii haweeneydii aan Yuhuudda ahayn
21Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhulka Turos iyo Siidoon. 22Waxaana halkaas ugu timid haweeney reer Kancaan ah oo ku qaylineysa, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, ii naxariiso! Gabadheydi ayaa ruux wasakh leh ku jira aad ayeyna u dhibaatooneysaa.”
23Laakiin Ciise uma uusan jawaabin haweeneydii. Markaas ayaa xertiisi u yimaadeen oo baryeen iyagoo leh, “Iska dir oo waxey rabto u samee waayo wey naga daba qaylineysaa.”
24Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaa la ii soo diray oo kaliya idihii lumay ee reer binu Israa’iil.”
25Markaas ayaa haweeneydii timid oo Ciise ku hor sujuuday iyadoo leh, “Sayidow, i caawi!”
26Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ma wanaagsana in caruurta kibistooda laga qaado oo loo tuuro eeyaha.”
27Markaas ayey haweeneydii ku tiri, “Haa waa run Rabbiyow, xitaa eeyuhu waxey cunaan jababka kasoo dhaca miiska sayidkooda.”
28Kadib Ciise ayaa ugu jawaabay, “Marwayahay, waxaad leedahay iimaan weyn! Waxaad codsatayna waa laguu yeelay.” Isla markiiba gabadheedi wey bogsatay.
Ciise oo bogsiiyay dad badan
29Ciise halkaas wuu ka tagay wuxuuna aaday dhinaca badda Galili, kadibna wuxuu fuulay buur oo fariistay. 30Markaas ayaa waxaa u yimid dad badan, waxeyna u keeneen kuwo curyaan ah, kuwo indhoolayaal ah, kuwo aan hadli karin, kuwo luga la’ iyo kuwa kaloo badan, waxeyna seexiyeen lugihiisa wuuna bogsiiyay. 31Dadkii wey yaabeen markey arkeen kuwii aan hadli karin oo hadlaya, kuwii curyaanka ahaa oo la bogsiiyay, kuwii lugaha la’aa oo soconaya iyo indhoolayaashii oo wax arkaya, qof walbana wuxuu ammaanayay Illaaha reer binu Israa’iil.
32Markaas ayaa Ciise iskugu yeeray xertiisi oo ku yiri, “Dadkan badan ayaan u naxariisanayaa, waayo saddex maalmood ayey ila joogeen oo waxey cunaanna ma haystaan. Ma rabo inaan diro iyagoo gaajeysan, waxaa laga yaabaa iney jidka ku dhacaan.”
33Xertii ayaa ugu jawaabeen, “Meeshan waa meel cidlo ah xaggeen ka keennaa cunto ku filan oo aan dadkan siino?”
34Ciise ayaa ku jawaabay, “Meeqa kibis ayaad haysaan?”
Waxey ku jawaabeen, “Toddobo kibis iyo xoogaa kalluun yar yar ah.”
35Markaas ayuu Ciise dadkii badnaa ku amray iney dhulka fariistaan. 36Kadibna wuxuu qaaday toddobadii kibis iyo kalluunkii, oo markii uu Illaahey u mahadceliyay kadib ayuu kala googooyay wuxuuna u dhiibay xertiisi, iyaguna waxey sii siiyeen dadkii badnaa. 37Iyagoo dhan wey cuneen weyna dhargeen. Kadibna xertii waxey soo ururiyeen toddoba dambiil oo jajab la soo reebay ah. 38Tirada dadka meeshaas wax ku cunay waxey ahaayeen afar kun oo nin, marka laga reebo haweenka iyo caruurta. 39Kadib markii uu Ciise kala diray dadkii badnaa wuxuu fuulay doon wuxuuna aaday deegaanka Magadan.

Currently Selected:

Matayos 15: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in