Luukos 6
6
Ciise waa Rabbiga Sabtida
1Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisa oo dhex socda beer badar ah, ayaa xertiisi sabuul goosteen oo gacmahooda ku tirtireen kadibna cuneen. 2Farrisiinti qaarkood ayaa Ciise weydiiyay, “Maxaad u sameyneysaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo?”
3Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? 4Wuxuu galay guriga Illaahey oo jabiyay sharciga, oo qaatay kibistii goonida loo bixiyay, wuxuu cunay wixii sharciyan ku lahaayeen iney cunaan wadaaddada oo sidoo kale wuxuu xoogaa ka siiyay kuwii la jiray.” 5Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.”
6Maalin kale oo Sabti ah Ciise wuxuu tagay sunagogga oo dadka ayuu wax barayay, waxaa halkaas joogay nin gacanta midig curyaan ka ahaa. 7Farrisiintii iyo macalimiintii sharcigana waxey raadinayeen marmarsiyo ey Ciise ku dacweeyaan, waxey fiirinayeen inuu Ciise maalinta Sabtida ah qof bogsiiyo. 8Laakiin Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen, markaas ayuu ku yiri ninkii gacanta curyaanka ka ahaa, “kac oo dadkoo dhan soo hor istaag.” Isla markiiba ninkii wuu kacay oo meeshii istaagay.
9Kadibna Ciise wuxuu ku yiri iyaga, “Waxaan idin weydiinayaa, maalinta Sabtida ah sharcigeena muxuu noo ogolaadaa inaan sameyno? In wax wanaagsan la sameeyo ama wax xun, in nolol la badbaadiyo ama in la dilo?”
10Markaas ayuu Ciise fiiriyay iyagoo dhan, kadibna ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Markaas ayaa ninkii saas sameeyay, gacantiisana wey bogsatay. 11Laakiin Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga aad ayey u xanaaqeen waxeyna bilaabeen iney qorsheeyaan waxey Ciise ku sameyn lahaayeen.
Ciise oo doortay xertiisi laba iyo tobanka ahayd
12Maalin Ciise wuxuu tagay dhinaca buurta si uu u duceysto, habeenkii oo dhan ayuu Illaahey baryayay. 13Subixii markii la gaaray, xertiisi oo dhan ayuu iskugu yeeray oo ka doortay laba iyo toban nin kana dhigay rasuullo.
14Simoon (kii uu u bixiyay Butros) iyo walaalkiis Andaros,
Yacquub,
Yooxanaa,
Filibos
Bartolomayos,
15Matayos,
Toomas,
Yacquub (ina Alfayos),
Simoon (Kii la dhihi jiray qiroolaha),
16Yuudas (ina Yacquub),
Yuudas iskariyod, kii gacangeliyay.
17Markey buurtii kasoo degayeen, qaar badan oo xertiisi ah ayaa la joogay, waxaa kaloo joogay dad badan oo ka yimid Yahuudiya iyo Yeruusaalem iyo kuwa kale oo ka yimid xeebaha Turos iyo Siidoon. 18Waxey u yimaadeen iney isaga dhagaystaan iyo in laga bogsiiyo cuduradooda. Kuwii ruuxa wasakhda leh ku dhibaateysnaana waa laga bogsiiyay, 19qof walba ayaa isku dayay inuu Ciise taabto, waayo xooggii uu dadka ku bogsiinayay isaga ayuu ka imaanayay oo iyagoo dhan ayuu bogsiinayay.
20Markaas ayaa Ciise intuu xertiisi fiiriyay ayuu ku yiri,
“Waxaa barakeysan kuwiinan saboolka ah,
waayo boqortooyada Illaahey idinka ayaa leh.
21 Waxaa barakeysan kuwiina gaajoonaya hadda,
waayo waad dhergi doontaan.
Waxaa barakeysan kuwiina hadda ooynaya,
waayo waad qosli doontaan.
22 Waxaa barakeysan kuwiina ah kuwa ey dadku nacaan,
oo gooni idin dhigaan oo ey idin caayaan
oo wax xun idin ka sheegaan,
Wiilka Aadanaha dartiis.
23 “Tani markey dhacdo ku farxa oo boodbooda, waayo abaalgudkiina jannada aad ayuu u weyn yahay. Xasuusta awoowayaashood saas ayey ula dhaqmi jireen nebiyada.
24 “Laakiin hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hodankaa,
waayo farxadiina haddaad haysataan.
25 Hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hadda dheregsanow,
waayo waad gaajoon doontaan.
Hoog ayaa idin sugaya kuwiinan hadda qoslayow,
waayo waad barooran oo ooyi doontaan.
26 Waxaa hoog sugayaa kuwiinan ey dad badan wax wanaagsan ka sheegaan,
waayo awoowayaashood saas ayey nebiyaasha beenta ah ula dhaqmi jireen.
Cadowgiina jeclaada
27 “Laakiin idinkan i dhageysanaya waxaan idin ku leeyahay, cadowgiina jeclaada, wanaag u sameeya kuwa idin naca, 28barakeeya kuwa idin habaara, una duceeya kuwa idin silciya. 29Haddii qof kaa dharbaaxo dhabanka, dhinaca kalana u jeedi si uu u dharbaaxo. Haddii qof kaa qaato jaakadaada shaatigaagana ugu dar. 30Qof walboo wax ku weydiista sii, haddii qof waxaad leedahay kaa qaato ha weydiisanin in laguu soo celiyo. 31U samee dadka kale waxaad jeclaan laheyd in luguu sameeyo.
32 “Haddii aad jeceshihiin kuwa idin jecel oo kaliya, taasi maxey kuu tari? Waayo xitaa kuwa dembiilayaasha ah waxey jecelyihiin kuwa iyaga jecel oo kaliya. 33Haddii aad wanaag u sameysid kuwa wanaaga kuu sameeya, maxey kuu tari? Waayo xitaa dembiilayaashu saas ayey sameeyaan. 34Oo haddii aad lacag deymisid kuwa aad ka fileyso iney kuu soo celiyaan, maxey kuu tari? Waayo xitaa dembiilayaashu kuwa sidooda oo kale ah ayey deymiyaan oo ey sugaan in loo soo celiyo. 35Jeclaada cadowgiina! Wanaag u sameeya. Deymiya idinkoo aan waxba ka sugaynin. Abaalgudkiina wuu badnaan doonaa, waxaad noqon doontaan ilmaha Kan ugu Sareeya, waayo isagu wuu u roon yahay kuwa aan mahadcelinin iyo kuwa sharta leh. 36Waa inaad noqotaan kuwo naxariis leh, sida Aabihiinba u naxariisto.
Ha xukumina kuwa kale
37 “Ha xukumina kuwa kale si aan la idiin xukumin. Ha eedeynina kuwa kale si aan la idiin eedeynin. Cafiya idinkana waa la idin cafin doonaa. 38Siiya idinkana waa la idin siin doonaa. Waayo hadiyad ayaad heli doontaan taas oo buuxda oo hoos loo riixay oo la ruxay si meel kale oo wax looga rido loo helo. Waayo qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa.”
39Ciise wuxuu kaloo u sheegay tusaalahaan, “Nin indhoole ah miyuu hogaamin karaa ku kale oo indhoole ah? Soo iyagoo dhan hog kuma dhacayaan? 40Haddaba ardeygu macalinka kama sareeyo, laakiin qof walboo si fiican loo tababaray wuxuu noqonayaa sida macalinkooda.
41 “Maxaad u fiirineysaa saxarka isha walaalkaa ku jira oo aadan u arag dogobka ishaada ku jira? 42Sidee ayaad ugu dhihi kartaa walaalkaa, ‘Walaalow kaalay aan saxarka ishaada ku jira kaa bixiyee,’ adiga oo aan arkin dogobka ishaada ku jira? Labawejiilayahow, marka hore dogobka ishaada ku jira iska bixi, kadibna si fiican ayaad u arki doontaa marka aad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarayso.
Geedka iyo mirahiisa
43 “Ma jiro geed wanaagsan oo mirro xun bixiya, sidoo kale ma jiro geed xun oo mirro wanaagsan bixiya. 44Geedka waxaa lagu gartaa mirahiisa, waayo berde lagama guro qurac, oo canabna duurka lagama soo guro. 45Qofka wanaagsanna wuxuu soo saaraa waxyaalaha wanaagsan ee qalbigiisa ku jira, laakiin qofka sharta lehna wuxuu soo saaraa waxyaalaha sharta ah ee qalbigiisa ku jira.
Dhisihii caqliga lahaa iyo kii doqonka ahaa
46 “Maxaad iigu yeereysaan, Rabbiyow, Rabbiyow! Oo aadan u sameyneynin waxaan idin leeyahay? 47Mid walboo ii yimaada oo ereygayga maqla oona ku dhaqma waxaan idin tusi doona sida ey yihiin. 48Waa sida nin guri dhisaya, oo si fiican hoos ugu qoday oo aasaaskiisi dhigay dhagax. Markii uu daadku yimaado oo biyahana soo butaacaan gurigii ayey ku dhacayaan laakiin ma dumi doono, waayo si fiican ayaa loo dhisay. 49Laakiin mid walboo ereyadayda maqla oo aan ku dhaqmin waa sida nin guri aasaas la’aan ah dhulka ku dhisay. Goortii daadku yimaado oo biyaha soo butaacaan gurigii ayey qaadayaan wuuna dumayaa.”
Currently Selected:
Luukos 6: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.