Luukos 3
3
Yooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya
1Shan iyo tobankii sano ee Tiberiyas Kaysar xukumayay, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos uu ahaa taliyaha Galili. Walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo Tarakhoonitis. Lusaniyasna wuxuu taliye u ahaa Abilene. 2Waqtigii Annas iyo Kayafas ahaayeen wadaaddadii sare, ereyga Illaah ayaa u yimid Yooxanaa ina Sakariyas isaga oo cidlada jooga. 3Wuxuuna tagay magaalo walboo Urdun agagaarkeeda ah, isaga oo ku wacdinaya baabtiiskii toobadkeenka iyo cafiska dembiga. 4Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos,
“Codka kan cidlada ka dhawaaqaya,
oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya,
waddooyin toosan isaga u sameeya.
5Dooxo walba waa la buuxin doonaa,
buuraha dhaadheer iyo kuwa gaabanba waa la simi doonaa.
Jidka qoloocanna waa la toosin doonaa,
jidka xunna waa la sameyn doonaa.
6Qof walba wuxuu arki doonaa badbaadinta Illaah.’ ”
7Dad badan ayaa ugu yimaadeen Yooxanaa in la baabtiiso markaas ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? 8Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim ka kicin karaa. 9Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa.”
10Markaas ayaa dadkii weydiiyeen Yooxanaa, “Haddaba maxaan sameynaa?”
11Markaas ayaa Yooxanaa ugu jawaabay, “Qof walboo laba shaar leh waa inuu la wadaagaa qofka aan heysan, qof walboo cunto haystana waa inuu sidoo kale sameeyaa.”
12Xitaa canshuur qaadayaasha ayaa yimaadeen oo waxey doonayeen in la baabtiiso. Waxey Yooxanaa ku yiraahdeen, “Macalinow, maxaan samaynaa?”
13Markaas ayuu ku yiri, “Ha ururinina in ka badan inta la idin ka rabo.”
14Markaas ayaa askartuna weydiiyeen, “Anagana maxaan sameynaa?”
Isaguna wuxuu ugu jawaabay, “Dadka qasab lacag ha uga qaadina, war been ahna ha ka sheegina, ku ekaada mushaharkiina.”
15Dadku waxey sugayeen oo qalbiga ka filanayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixa. 16Markaas ayaa Yooxanaa iyagoo dhan u jawaabay oo ku yiri, “Anigu waxaan idin ku baabtiisaa biyo. Laakiin mid iga awood weyn ayaa imaan doona, kan aanan anigu istaahilin suumanka kabahiisa inaan furo. Isagu wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 17Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, oo sarreenta ayuu maqsinka ku uruurin doonaa, buunshadana wuxuu ku gubi doonaa dab aan weligiis dhamaanayn.” 18Yooxanaa digniin tan iyo kuwa kale oo badan ayuu isticmaalay markii uu wacdinayay injiilka.
19Laakiin markii Yooxanaa uu canaantay Herodos, Herodiya oo ahayd xaaska walaalkiis Filibos oo uu guursaday darteed, iyo waxyaala kale ee xun oo uu sameeyay, 20sidaa darteed Herodos Yooxanaa xabsi ayuu geliyay, isagoo raacinaya dembigan kuwiisi hore ee badnaa.
Baabtiiskii Ciise iyo abtirsiimadiisa
21Maalin markii dad badan la baabtiisayay, Ciisana waa la baabtiisay. Goortuu duceysanayay samada ayaa furantay, 22oo Ruuxa Quduuska ah ayaa ku soo kor dagay jir ahaan sida qoolley. Markaas ayaa cod samada ka imaaday isaga oo leh, “Waxaa tahay Wiilkeyga aan jeclahay, waana kugu faraxsanahay.”
23Markii uu Ciise jiray qiyaastii soddon sano, ayuu bilaabayay shaqada Rabbiga. Ciise waxaa loo yaqaanay inuu yahay ina Yuusuf.
Yuusuf ina Heli, 24Helina ina Matad. Matadna ina Laawi. Laawina ina Melki.
Melkina ina Yanna.
Yannana ina Yuusuf.
25Yuusufna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Caamoos.
Caamoosna ina Na’uum. Na’uumna ina Elsi.
Elsina ina Naggay. 26Naggayna ina Ma’ad.
Ma’adna ina Matatiyas. Matatiyasna ina Semey.
Semeyna ina Yooseek. Yooseekna ina Yooda.
27Yoodana ina Yooxanaan. Yooxanana ina Reesa.
Reesana ina Serubaabel. Serubabeelna ina Salaatii’eel.
Salaatii’eelna ina Neeri. 28Neerina ina Melki.
Melkina ina Addi. Addina ina Koosam.
Koosamna ina Elmoodam. Elmoodamna ina Ceer.
29Ceerna ina Yooses. Yoosesna ina Eliicesar.
Eliiceserna ina Yoorim. Yoorimna ina Matad.
Matadna ina Laawi. 30Laawina ina Simecoon.
Simecoonna ina Yuuda. Yuudana ina Yuusuf.
Yuusufna ina Yoonam. Yoonamna ina Eliyaqiim.
31Eliyaqiimna ina Mele’as. Mele’asna ina Menna.
Mennana ina Matata. Matatana ina Naataan.
Naataanna ina Daa’uud. 32Daa’uudna ina Yesay.
Yesayna ina Coobeed. Coobeedna ina Bocas.
Bocasna ina Salmoon. Salmoonna ina Naasoon.
33Naasoonna ina Caminadaab. Caminadaabna ina Araam.#3:33 Magaca kale ee Araam waa Arni.
Araamna ina Esroom. Esroomna ina Feres,
Feresna ina Yahuudah. 34Yahuudahna ina Yacquub.
Yacquubna ina Isxaaq. Isxaaqna ina Ibraahim.
Ibraahimna ina Tara. Tarana ina Naakoor.
35Nakoorna ina Seruukh. Seruukhna ina Ragaw.
Ragawna ina Faleg. Felegna ina Xeber.
Xeberna ina Salah. 36Salahna ina Qaynaan.
Qaynaanna ina Arfaksad. Arfaksadna ina Sheem.
Sheemna ina Nuux. Nuuxna ina Lameg.
37Lamegna ina Metushelax. Metushelaxna ina Enoog.
Enoogna ina Yaared. Yaaredna ina Mahalaleel.
Mahalaleelna ina Qaynaan. 38Qaynaanna ina Enoos.
Enoosna ina Seed. Seedna ina Aadan.
Aadanna ina Illaah.
Currently Selected:
Luukos 3: EI
Highlight
Share
Copy

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.