Luukos 3:4-6
Luukos 3:4-6 EI
Sida ku qoran kitaabkii nebi Isayos, “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya, oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya. Dooxo walba waa la buuxin doonaa, buuraha dhaadheer iyo kuwa gaabanba waa la simi doonaa. Jidka qoloocanna waa la toosin doonaa, jidka xunna waa la sameyn doonaa. Qof walba wuxuu arki doonaa badbaadinta Illaah.’ ”