Luukos 18
18
Tusaalihii carmalada iyo xaakimka
1Kadib Ciise wuxuu u sheegay xertiisi tusaale si uu u tuso iney mar walba duceystaan oo eysan u qalbi jabin. 2Wuxuu yiri, “Magaalo ayaa waxaa joogay xaakim aan Illaahey ka cabsan jirin oo aanan kala jeclayn waxey dadku ku fikiraan. 3Waxaana sidoo kale magaaladaas joogay carmalad taas oo marar badan u tagtay xaakimka iyadoo leh, ‘Cadowgayga iga xaq sii.’
4 “In badan ayuu ka diiday. Laakiin ugu dambeyntii wuxuu isku yiri, ‘Inkastoo aanan Illaahey ka cabsan oo aanan kala jeclayn waxey dadku ku fikiraan, 5haddana carmaladaan dhibka ey i dhibayso darteed, waan xaq siin doonaa, sidaa darteed iguma soo noqnoqon doonto oo ima dhibi doonto!’ ”
6Markaas ayuu sayid Ciise yiri, “Dhagaysta wuxuu xaakimkii aan xaqa ahayn yiri. 7Illaahna miyuusan xaq siin doonin kuwa uu doortay, kuwa barya isaga habeen iyo maalin? Miyuu iska dhaga tiri doonaa? 8Waxaan idin ku leeyahay, wuu xaq siin doonaa, waliba si dhaqso ah. Si kastaba ha ahaatee, markii uu Wiilka Aadanahu yimaado, miyuu ka heli doonaa rumeysad dhulka?”
Tusaalihii Farrisiga iyo canshuur qaadaha
9Qaar ku kalsoonaa xaqnimadooda dadka kalana yasi jiray, ayuu Ciise u sheegay tusaalahaan, 10“Laba nin ayaa aaday macbadka si ey u soo duceystaan, mid wuxuu ahaa Farrisi midka kalana canshuur qaade. 11Farrisigii intuu istaagay ayuu sidan ku duceystay, ‘Illaaheyow, waxaan kaaga mahadcelinayaa in aanan la mid ahayn dadka kale kuwa wax dhaca, kuwa xaqa daran, kuwa sineysta ama xitaa in aanan ahayn sida canshuur qaadahan oo kale. 12Waxaan soomaa laba jeer usbuucii waxaanna bixiyaa toban meelood meel wax walboo aan helo.’
13 “Laakiin canshuur qaadihii meel fog ayuu istaagay. Xitaa kor samada ma uusan u fiirin karin, madaxa ayuu hoos u raariciyay oo yiri, ‘Illaaheyow, ii naxariiso, waxaan ahay dembiile.’
14 “Waxaan idin ku leeyahay, waa canshuur qaadaha ee ma aha Farrisiga, kan gurigiisa tagay isaga oo xaq ku ah Illaahey hortiisa. Dhamaan kuwa is sareysiiya waa la hooseysiin doonaa, kuwa is hooseysiiyana waa la sareysiin doonaa.”
Ciise wuxuu barakeeyay caruurta yar yar
15Sidoo kale dadku waxey Ciise u keenayeen caruur si uu gacantiisa madaxa uga saaro oo u barakeeyo. Markey xertii arkeen arintaas, wey canaanteen. 16Laakiin Ciise ayaa caruurtii xaggiisa ugu yeeray wuxuuna yiri, “Daaya caruurta yar yar ha ii yimaadaane, hana celinina, waayo boqortooyada Illaahey waxaa leh iyagoo kale. 17Runtii waxaan idin ku leeyahay, qofkii aan boqortooyada Illaah u aqbalin sida cunug yar oo kale ma gali doono.”
Taajirkii rabay inuu boqortooyada Illaah galo
18Nin madax ahaa ayaa Ciise weydiiyay, “Macalin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?”
19Ciise ayaa ugu jawaabay, “Maxaad iigu yeereysaa wanaagsanow? Qof wanaagsan ma jiro Illaahey maahee. 20Waad garaneysaa amarrada, ‘Waa in aadan sineysan, waa in aadan qof dilin, waa in aadan wax xadin, waa in aadan marqaati been ah furin, xushmee hooyadaa iyo aabahaa.’ ”
21Ninkii ayaa yiri, “Intan oo dhan waan dhowray illaa markaan wiil yar ahaa.”
22Markii uu Ciise sidan maqlay, ayuu ku yiri, “Hal wax ayaa kaa maqan, bax oo wax walboo aad haysato iibi oo lacagtana sii masaakiinta, waxaadna hanti ku lahaan doontaa jannada. Kadib kaalay oo isoo raac.”
23Markii uu sidan maqlay, aad ayuu u murugooday, waayo wuxuu lahaa maal badan. 24Ciise ayaa fiiriyay oo ku yiri, “Imisee adagtahay hantiile inuu galo boqortooyada Illaahey! 25Xaqiiqdii, inuu qof hanti leh galo boqortooyada Illaah waxaa ka fudud inuu neef geel ah dhex maro cirbad duleelkeed.”
26Kuwii sidan maqlay ayaa weydiiyay, “Haddaba yaa badbaadi kara?”
27Ciise ayaa ku jawaabay, “Waxa aan dadka u suurtoobin Illaah wey u suurtowdaa.”
28Butros ayaa ku yiri Ciise, “Waan kasoo tagnay wax walboo aan haysanay si aan adiga kuu raacno!”
29Ciise ayaa ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, ma jiro qof boqortooyada Illaahey darteed uga tagay guri, xaas, walaalkiis, walaashiis, waalid ama caruur 30oo aan heli doonin in ka badan waqtigan la joogo, iyo waqtiga soo socda ee nolosha weligeed ah.”
Ciise oo markii saddexaad sii sheegay dhimashadiisa
31Ciise ayaa laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay oo ku yiri, “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, wax walboo ey nebiyadu ka qoreen Wiilka Aadanaha waa iney dhacaan. 32Waxaa loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn. Wey bahdili doonaan, weyna caayi doonaan oo candhuuf ayaa lagu tufi doonaa, 33waana la garaaci doonaa illaa uu ka dhinto. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa.”
34Xertii waxba kama eysan fahmin waxyaalahaas. Macnaha hadalkaasna wuu ka qarsoonaa, mana eysan garaneyn wuxuu Ciise ka hadlayay.
Tuugsadihii indhaha la’aa oo aragiisi helay
35Markii uu Ciise Yerixoo ku soo dhawaaday, nin indha la’ oo tuugsanaya ayaa jidka dhiniciisa fadhiyay. 36Ninkii indhaha la’aa markii uu maqlay dadka badan ee ag maraya, ayuu weydiiyay waxa dhacaya. 37Waxey ku yiraahdeen, “Ciisihii reer Naasared ayaa agtaada maraya.”
38Markaas ayuu qayliyay isaga oo leh, “Ciisow ina Daa’uudow, ii naxariiso!”
39Kuwii jidka marayay ayaa canaantay oo u sheegay inuu aamuso, laakiin wuu sii qayliyay oo yiri, “Inankii Daa’uudow, ii naxariiso!”
40Ciise ayaa joogsaday oo amray in ninka loo keeno. Markii uu u soo dhawaaday, Ciise ayaa ninkii ku yiri, 41“Maxaad rabtaa inaan kuu sameeyo?”
Wuxuu ku jawaabay, “Sayidow waxaan rabaa inaan wax arko.”
42Ciise ayaa ku yiri, “Wax arag, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.” 43Isla markiiba wax buu arkay oo Ciise raacay, isaga oo Illaahey ammaanaya. Markey dadkii oo dhan arkeen iyaguna Illaahey ayey ammaaneen.
Currently Selected:
Luukos 18: EI
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.