YouVersion Logo
Search Icon

Luukos 16

16
Tusaalihii maamulaha aan daacada ahayn
1Ciise ayaa xertiisi ku yiri, “Waxaa jiray nin taajir ah kaasoo maamulahiisa lagu eedeeyay inuu khasaarinayay hantidiisa. 2Markaas ayuu u yeeray oo weydiiyay, ‘Waa maxey waxan kugu saabsan ee aan maqlayo? Isii xisaab xirka maamulkaaga, maxaa yeelay ma rabo inaad sii ahaato maamule.’ ”
3 “Maamulihii ayaa is weydiiyay, ‘Hadda maxaan sameeyaa? Sayidkeyga shaqada ayuu iga saari doonaa. Awood igu filan oo aan beer ku falo ma lihi, inaan tuugsadana waan ka xishoonayaa. 4Aniga ayaa aqaan waxaan sameyn doono, si markaan shaqadeydaan waayo, ey dadku iigu soo dhaweeyaan guryahooda.’ ”
5 “Markaas ayuu iskugu yeeray kuwii sayidkiisu deynta ku lahaa. Wuxuu weydiiyay kii ugu horeeyay, ‘Meeqa ayuu sayidkaygu kugu leeyahay?’ ”
6 Wuxuu ku jawaabay, “ ‘Boqol iyo toddobaatan jirgaan oo saliid seytuun ah.’ ”
“Maamulihii ayaa ku yiri, ‘Qaad warqadda xisaabtaada, halkaas fariiso, oo dhaqso ka dhig siddeetan iyo shan jirgaan.’
7 “Midkii labaad ayuu weydiiyay, ‘Adigana meeqa ayuu kugu leeyahay?’ ”
Wuxuu ku jawaabay, “ ‘Kun jawaan oo sarreen ah.’
“Wuxuu ku yiri, ‘Qaad warqadda xisaabtaada oo ka dhig siddeed boqol.’ ”
8 “Sayidkii ayaa ammaanay maamulihii aan daacada ahayn sababtoo ah wuxuu u dhaqmay si xariifnimo ah. Dadka aduunkan joogaan aad ayey xariifiin u yihiin markey wax la qabsanayaan kuwa iyaga oo kale ah in ka badan dadka iftiinka ku jiro. 9Waxaana idin ku leeyahay, haddii aad ku sameystaan hanti saaxiibo aan daacad ahayn markey idin ka dhamaato, waxey idin kusoo dhoweyn doonaan guryahooda daa’iimka ah.”
10 “Qofkii wax yar lagu aamini karo wax badanna waa lagu aamini karaa, qofkii wax yar khiyaani karana wax badanna wuu khiyaani karaa. 11Marka haddii aadan ahayn qof lagu aamini karo hantida aduunka, yaa kugu aamini doona hantida runta ah. 12Haddii aadan ahayn qof hanti qof kale lagu aamini karo, yaa ku siinaya hanti adiga kuu gaar ah?”
13 “Ma jiro qof laba sayid u adeegi kara. Waa inuu mid nacaa kan kalana jeclaadaa, ama mid ayaad u go’aysaa kan kalana waad khiyaamaysaa. Uma wada adeegi kartid Illaahey iyo lacag.”
14Farrisiintii lacagta jeclaa, ayaa intaasoo dhan maqlay weyna ku jeesjeeseen Ciise. 15Wuxuuna iyagii ku yiri, “Idinku waxaa tihiin kuwa dadka kale u muujiya iney saxanyihiin, laakiin Illaahey wuxuu og yahay qalbiyadiina. Waxey dadku aad u qiimeeyaan waa wax Illaahey agtiisa laga neceb yahay.”
Baris dheeraad ah
16 “Sharciga Muuse iyo nebiyada waxey jireen illaa Yooxanaa. Ilaa waqtigaas, warka wanaagsan ee boqortooyada Illaahey ayaa lagu wacdinayay, qof walbana wuxuu ku dadaalayay inuu galo. 17In dhibic yar laga tiro sharciga waxaa ka fudud in samada iyo dhulku baaba’aan.”
18 “Mid walboo xaaskiisa fura oo mid kale guursada wuu sineystay, ninka haweeney la soo furay guursada wuu sineystay.”
Ninkii taajirka ahaa iyo Laasaros
19 “Waxaa jiray nin taajir ahaa oo ku labisan jiray dhar guduud oo wanaagsan maalin walbana ku noolaa nolol raaxo leh. 20Albaabkiisa waxaa jiifay tuugsade la yiraahdo Laasaros, oo jirkiisa nabaro qariyeen. 21Wuxuuna sugi jiray inuu cuno waxa kasoo dhaca miiska ninka taajirka ah. Eeyaha ayaana u imaan jiray oo leefi jiray nabrihiisa.”
22 “Waxaa la gaaray dhimashadii tuugsadaha waxeyna malaa’igtii u qaaday Ibraahim dhankiisa. Ninkii taajirka ahaa ayaa sidoo kale dhintay waana la aasay. 23Isaga oo naarta jooga, saxariirna ku jira, kor ayuu fiiriyay wuxuu meel fog ka arkay Ibraahim iyo Laasaros oo agtiisa jooga. 24Markaas ayuu u yeeray, ‘Aabe Ibraahimow, ii naxariiso oo Laasaros ii soo dir si uu biyaha fartiisa foodeeda u galiyo uuna u qaboojiyo carrabkayga, sababtoo ah aad ayaan ugu rafaadsanahay dabkaan dhexdiisa.’ ”
25 “Laakiin Ibraahim ayaa ugu jawaabay, ‘Wiilkeygiyow, xasuuso waqtigii noloshaada aad wax walboo fiican heshay, halka uu Laasaros wax xun helay, laakiin hadda isagu halkan ayuu ku raaxaysanayaa adigana rafaadkaas ayaad ku jirtaa. 26Taas marka laga soo tagana, dhexdeena god weyn ayaa ku yaala, marka kuwa raba iney halkan ka tagaan oo xaggaaga soo aadaan uma suurtoobeyso, sidoo kale qofna dhankaas kama imaan karo oo nooma imaan karo.’ ”
27 “Wuxuu ku jawaabay, ‘Aabe waan ku baryayaa, Laasaros u dir qoyskayga, 28waxaa ila dhashay shan wiil. Hasoo waaniyo, si eysan iyaguna u imaan meeshan silaca leh.’ ”
29 “Ibraahim ayaa ugu jawaabay, ‘Waxey haystaan sharcigii Muuse iyo nebiyada, iyaga wax ha ka maqlaan.’ ”
30 “Wuxuu yiri, ‘Maya, aabe Ibraahimow, laakiin haddii qof dhintay oo soo noolaaday u tago, wey toobadkeeni doonaan.’ ”
31 “Wuxuu ku yiri, ‘Haddii eysan wax ka maqlayn sharciga Muuse iyo nebiyada, kuma qanci doonaan xitaa hadduu qof dhintay soo noolaado.’ ”

Currently Selected:

Luukos 16: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in