YouVersion Logo
Search Icon

Luukos 11

11
Ciise oo baraya sida loo duceysto
1Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Ciise meel ku duceysanayay. Markii uu ducada dhameystay ayaa mid xertiisa ka mid ah weydiiyay, “Sayidow, anagana nabar sida loo duceysto, siduu Yooxanaa u baray xertiisa.”
2Ciisana wuxuu ku yiri, “Markaad tukaneysaan Sidan dhaha,
“ ‘Aabaheena jannada ku jirow,
magacaagu quduus ha ahaado,
boqortooyadaadu ha timaado, doonistaada dhulka ha lagu yeelo sida jannada loogu yeelo.
3 Na sii maalin walba kibis nagu filan.
4 Dembiyadeena naga cafi,
sida aan anaguba u cafino kuwa noo gafay.
Oo jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin naga badbaadi kan sharta leh.’ ”
5Kadibna Ciise wuxuu ku yiri xertiisa, “Kaba soo qaad midkiin hadduu tago guriga saaxiibkiis habeen barkii oo ku dhaho, ‘Saaxiibow, isii cunto, 6waayo saaxiibkey ayaa ka yimaaday safar, mana haysti cunto aan siiyo.’ 7Kasoo qaad kan guriga ku jiro hadduu ku jawaabo, ‘Ha idhibin. Albaabka mar hore ayaan xiray, aniga iyo caruurteyduna waan jiifnaa. Ma awoodi inaan kaco oo wax ku siiyo.’ 8Waxaan idin leeyahay, waa laga yaabaa in uusan kicin oo ku siinin cuntada aad rabtid, saaxiib ayaad tihiin darteed. Laakiin wuu kici doonaa oo ku siin doonaa waxaad rabtid oo dhan waayo ma ka xishoonin inaad weydiisatay.
9 “Haddaba waxaan idin leeyahay, weydiista waana la idin siin doonaa, doondoona waadna heli doontaan, garaaca albaabkana waa la idin ka furi doonaa. 10Waayo qof walboo weydiista waa la siiyaa, mid walboo doondoonana wuu helaa, mid walboo garaacana, albaabka waa laga furi doonaa.
11 “Yaa cunuggiisa hadduu kalluun weydiisto mas siiya? 12Ama hadduu ukun weydiisto dibqallooc siiya? 13Haddaba idinkan sharta leh haddaad garaneysaan sida wax fiican loo siiyo caruurtiina, intee ka badan ayuu Aabihiinna samada jooga siiyaa Ruuxa Quduuska ah inta weydiisata oo dhan.”
Ciise iyo Be’elsebul
14Maalin ayaa Ciise nin ka saaray ruuxyo wasakh leh oo aan hadli karin. Markii ruuxyadii wasakhda lahaa laga saarayna, ninkii wuu hadlay, dadkii badnaana wey yaabeen. 15Laakiin qaarkood ayaa dheheen, “Wuxuu ruuxyada wasakhda leh ku saaraa awoodda Be’elsebul oo ah amiirka ruuxyada wasakhda leh.” 16Kuwa kalana wey tijaabiyeen oo waxeyna weydiiyeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid.
17Laakiin Ciise wuu ogaa waxey ku fikirayeen, markaas ayuu ku yiri iyagii, “Boqortooyo walboo iska soo horjeesata wey burburaysaa, reer walboo kala qeybsamana wuu dumayaa. 18Marka haddii boqortooyada Shaydaanku kala qeybisanto oo ey isweeraraan sidee ayey u taagnaan doontaa? Waayo waxaad leedihiin xooggii Be’elsebul ayaan ruuxyada wasakhda leh ku saaray. 19Haddii aan anigu ruuxyada wasakhda leh ku bixiyo awoodda Be’elsebul, xertiinu maxey ku bixiyaan? Iyaga ayaa idin xukumi doona. 20Laakiin haddii aan ruuxyada wasakhda leh ku saaray xoogga Illaahey, haddaba boqortooyada Illaahey wey idiin timid.
21 “Haddii nin xoog leh oo hubeysan ilaashanayo gurigiisa, maalkiisuna wuu nabad qabaa. 22Laakiin haddii qof ka xoog weyn soo weeraro oo ka xoog badiyo, wuxuu ka qaadayaa hubkii uu isku haleynayay wuuna kala qeybiyaa wixii uu soo xaday oo dhan.
23 “Qof walboo aan ila jirin wuu iga soo horjeedaa, qof walboo aan ila ururinna wuu kala firdhiyaa.
24 “Markii ruux wasakh leh qof ka baxo wuxuu dul maraa meel qalalan isaga oo raadinaya meel uu ku nasto. Kadib ayuu isku yiraahdaa, ‘Waxaan ku laabanayaa gurigeygi aan kasoo baxay.’ 25Markii uu yimaado meeshii wuxuu helaa gurigii oo nadiif ah oona hagaajisan. 26Kadibna dib ayuu u laabtaa wuxuuna soo wataa toddoba ruux oo kale oo isaga kasii xun, weyna galaan oo halkaas ayey ku noolaadaan. Qofkaasna xaaladiisa dambe ayaa ka darnaata sidii uu markii hore ahaa.”
27Ciise goortuu waxyaalahan oo dhan ku hadlayay, naag ayaa dadkii badnaa kasoo dhex qaylisay oo tiri, “Waxaa barakeysan hooyadii ku dhashay oo ku soo korisay.”
28Markaas ayaa Ciise ku jawaabay, “Taasi waa run, laakiin waxaa kasii barakeysan kuwa ereyga Illaahey maqla oo adeeca.”
Calaamaddii Yoonis
29Goortii ey dadkii soo bateen, Ciise wuxuu ku yiri, “Qoomkan sharta leh oo calaamada raba! Laakiin calaamad lama siin doono calaamaddii Yoonis maahee. 30Waayo siduu Yoonis calaamad ugu ahaa dadkii Nineweh, sidaas oo kale ayuu Wiilka Aadanahuna calaamad ugu noqon doonaa qarnigaan. 31Maalintii xukunka markii la gaaro, boqoradda Koonfureed ayaa idin la istaageysa oo idin dacweyn doonta. Waayo meesha aduunka ugu fog ayey kasoo safartay si ey u maqasho xigmaddii Sulaymaan. Halkanna waxaa jooga mid Sulaymaan ka weyn. 32Dadkii Ninewehna wey idin la istaagayaan maalinta xukunka oo idin eedeyn doonaan waayo iyagu waxey ku toobadkeeneen wacdigii Yoonis, bal fiiri maanta mid Yoonis ka weyn ayaa halkan jooga.”
Feynuusta jirka
33Ciise wuu sii hadlayay isaga oo wax barayay, “Ma jiro qof laambad shida oo meel qarsoon dhiga, ama weel ku daboola. Laakiin waxaa la saaraa laambad saarka si ey kuwa soo gala iftiin u helaan. 34Ishu waa ilayska jirka. Indhahaagu haddii ey caafimaad qabaan, jirkaaga oo dhan ayaa iftiin lahaanaya. Laakiin haddii eysan caafimaad qabin, jirkaagoo dhan ayaa mugdi noqonaya. 35Haddaba iska hubsada in iftiinka idin ku jira uusan ahayn mugdi. 36Sidaa darteed haddii jirkaagoo dhan iftiin leeyahay oo uusan laheyn meel mugdi ah, waxey wada noqoneysaa iftiin sida marka feynuusta kugu ifayso.”
Ciise oo eedeeyay Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga
37Ciise goortuu hadalkii dhameystay, nin Farrisi ah ayaa gurigiisi ugu casuumay iney isla cunteeyaan, markaas ayuu raacay oo cunto u fariistay. 38Laakiin ninkii Farrisiga ahaa wuu yaabay goortuu arkay Ciise in uusan gacanta dhaqanin cuntada ka hor.
39Markaas ayaa Rabbigu ku yiri ninkii, “Haddaba, idinkan Farrisiinta ah banaanka ayaad koobka iyo baaquliga ka nadiifisaan, laakiin gudahiina waxaa ka buuxo hunguri weyni iyo shar. 40Doqoma yahow! Kii banaanka sameeyay miyuusan sameynin gudaha? 41Haddaba haddaad waxaad haysataan masaakiinta siin laheydeen, waxaad sameysaan oo dhan waa la idiin nadiifin doonaa.
42 “Hoog ayaa idin sugaya Farrisiin yahow, waayo reexaan iyo dhirta udgoon beertiina ka baxdo ayaad toban meelood meel Illaahey u bixisaan. Laakiin waxaad dayacdeen cadaaladii iyo jaceylka Illaahey. Waxey ahayd inaad waxyaalahaas sameysaan idinka oo aan kuwa kale ka tagin.
43 “Hoog ayaa idin sugaya Farrisiin yahow! Waayo waxaad jeceshihiin sunagogyada inaad ka fariisataan kuraasta muhiimka ah, sidoo kalana in salaan xushmad leh la idin ku salaamo markaad joogtaan suuqa.
44 “Hoog ayaa idin sugaya, waayo waxaa tihiin sida xabaalo qarsoon, oo ey dadku ku kor socdaan iyagoon garaneyn.”
45Markaas ayaa mid macalimiinta sharciga ka mid ah Ciise ku yiri, “Macalinow, waxyaalahan markaad dhahdid waad na caayneysaa!”
46Markaas ayuu ku yiri, “Idinkan ah macalimiinta sharciga xitaa hoog ayaa idin sugaya, waayo dadka waxaad ku rartaan wax culus idinkana intaad far dhaqaajisaan ma caawineysaan.
47 “Hoog ayaa idin sugaya! Waayo nebiyaashii ey awoowayaashiin dileen ayaad u dhistaan xabaalaha fiican. 48Sidaas ayaad iskugu marqaatifurteen waxyaalihii ey awoowayaashiin sameeyeen, waayo iyaga ayaa dilay idinkuna waxaad dhisteen xabaalahooda. 49Sababtan darteed, Illaaheygii xigmadda lahaa wuxuu dhahay, ‘Waxaan u soo diri doonaa nebiyo iyo rasuullo, qaar ayey dilayaan oo kuwa kalana wey silcin doonaan.’ 50Sidaa darteed qarnigaan waxaa loo cadaabi doonaa dhimashadii nebiyada oo dhan illaa waagii aduunka la abuuray, 51ka bilaabato dhiiggii Haabiil illaa dhiiggii Sakariyas kii lagu dilay meesha allabariga iyo macbadka dhexdooda. Idinka ayaa waxan oo dhan la idiin cadaabi doonaa.
52 “Hoog ayaa idin sugaya macalimiinta sharciga Muuse, waayo furaha aqoonta ayaa ka qaadeen. Idinka xitaa ma garaneysaan Illaahey laakiin waxaad hor istaagteen kuwii isaga garan rabay.”
53Ciise markii uu meeshaas ka tagay ayaa Farrisiinta iyo macalimiinta sharciga tuseen iney kasoo hor jeedaan oo ey isku dayeen iney weydiiyaan su’aalo adag, 54si ey ugu qabtaan wax qalad ah markii uu ku jawaabo.

Currently Selected:

Luukos 11: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in