Yooxanaa 8
8
1Laakiin Ciise wuxuu tagay Buur Saytuun.
Ciise oo cafiyay naagtii sineysatay
2Kadibna subaxdii ku xigtay Ciise wuxuu tagay macbadka, dadkii ayaa isaga kusoo ag ururay wuuna fariistay oo bilaabay inuu iyaga wax baro. 3Markaas ayaa Farrisiintii iyo macalimiintii sharciga Muuse keeneen naag lagu qabtay iyadoo sineysaneysa. Waxey hor istaajiyeen dadkii badnaa. 4Waxeyna Ciise ku yiraahdeen, “Macalinow, naagtaan waxaa lagu qabtay iyadoo sineysaneysa. 5Sharcigii Muusana wuxuu na amray inaan dhagaxeyno naagtaan oo kale. Haddaba arintan sidee ayaad u aragtaa?” 6Waxey su’aashaan u weydiiyeen iney Ciise qalad ku helaan, si ey ugu dacweeyaan.
Laakiin Ciise intuu hoos fiiriyay ayuu dhulka wax ku qoray isaga oo fartiisa isticmaalaya. 7Markey su’aalo weli sii weydiiyeen ayuu intuu kor u kacay iyaga ku yiri, “Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn bal ha noqdo kan ugu horeeya ee iyada dhagaxeeya.” 8Haddana intuu hoos fiiriyay ayuu dhulkii wax ku qoray.
9Dadkii ayaa hal hal u wada baxay, laga bilaabo kii ugu weynaa illaa uu Ciise kaligiis meesha kusoo haray iyo naagtii oo weli meesha taagan. 10Markaas ayaa Ciise intuu kor u soo kacay weydiiyay naagtii, “Aaway dadkii? Qof ku xukumi kara miyaa halkan kusoo haray?”
11Markaas ayey ugu jawaabtay, “Maya Sayidow.”
Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Aniguna kuma xukumayo, haddaba tag oo dembina ha galin mar dambe.”]#8:11 Qoraaladii hore iyo markhaatiyadii hore ma laha Yoox 7:53–8:11. Qoraallada qaar ayaa ku daraan aayadahaas oo dhan ama qaar ka mid ah. Yoox 7:36, Yoox 21:25, Luuk 21:38 ama Luuk 24:53.
Ciise waa iftiinkii aduunka
12Kadib Ciise dadkii ayuu la hadlay, wuxuuna ku yiri, “Waxaan ahay iftiinka aduunka. Mid walboo isoo raaca weligiis mugdi kuma socon doono, laakiin wuxuu heli doonaa nolol iftiin leh.”
13Markaas ayaa Farrisiintii ku yiraahdeen, “Haddaba waa ku kan adiga oo isu marqaatifuraya, marqaatifurkaaguna run ma aha.”
14Ciise wuxuu ugu jawaabay, “Xitaa haddii aan isu marqaatifuro marqaatifurkeygu waa run. Waayo Anigu waan garanayaa meesha aan ka imid iyo meesha aan u socdo. Laakiin idinku ma garaneysaan meesha aan ka imid iyo meesha aan u socdo. 15Waxaad ku xukuntaan heerka binu aadanka. Laakiin Anigu qofna ma xukumo. 16Laakiin haddaan xukumana xukunkeygu waa kan xaqa ah. Waayo kaligey ma xukumayo, laakiin Aabaha isoo diray ayaa ila jooga. 17Sharcigiina waxaa ku qoran wixii laba qof u marqaatifurto waa run. 18Anigu waxaan ahay kan isu marqaatifura, marqaatiga labaadna waa Aabaha isoo diray.”
19Markaas ayey weydiiyeen, “Aaway Aabahaa?”
Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Ima garaneysaan, Aabahayna garan maysaan, laakiin haddii aad i garan lahaydeen, Aabaheyna sidoo kale waad garan lahaydeen.” 20Hadaladaan wuxuu ku hadlay markii uu macbadka dadka wax ku barayay meel ku dhaw meesha khasnada la dhigo. Laakiin qof qabtay ma jiro waayo waqtigiisa weli mala gaarin.
Ma tagi kartaan meesha aan u socdo
21Kadib Ciise wuxuu dadkii ku yiri, “Waan tagayaa, waadna i raadin doontaan. Laakiin ma tagi kartaan meesha aan tagayo, dembiyadiina ayaad ku dhiman doontaan idinka oo aan la idin cafinin.”
22Arintan waxey sababtay in kuwii Yuhuudda ahaa is weydiiyaan, “Miyuu is dili doonaa? Sidaas darteed miyuu u dhahayaa, ‘Meesha aan tagayo ma imaan kartaan?’ ”
23Laakiin Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaad ka timaadeen hoos, Aniguna waxaan ka imid samada. Idinku waxaa tihiin kuwa dunidan ka yimid laakiin anigu dunidan kama imaan. 24Waxaan idin ku iri dembiyadiina oo aan la cafinin ayaad dhiman doontaan, haddii eydan aaminsaneyn qofka aan ahay, dembiyadiina oo aan la cafinin ayaad dhiman doontaan.”
25Markaas ayey Ciise weydiiyeen, “Yaad tahay?”
Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Waxaan ahay kan aan illaa bilowgii idiin sheegayay inaan ahay. 26Waxyaalo badan ayaan idinku dhihi karaa si aan idiin xukumo. Laakiin kan isoo diray waa mid aamin ah, waxaan isaga ka maqlay ayaan u sheegayaa dadka dunidan.”
27Ma eysan fahmin waxyaaluhuu ka hadlayay iney ku saabsanaayeen Aabihiis. 28Haddaba Ciise ayaa yiri, “Markii aad Wiilka Aadanaha iskutallaabta saartaan, ayaad ogaan doontaan Kan aan ahay. Waadna ogaan doontaan in aanan kaligey waxyaalo aanan sameynin. Waxaan sameeyaa oo kaliya wixii Aabahay ii sheego. 29Kan isoo diray wuu ila joogaa, mana iga tagin. Waayo mar walba waxaan sameeyaa doonistiisa.” 30Ciise goortii uu waxyaalahan yiri kadib dad badan ayaa isaga aaminay.
Runta ayaa ku xoreyneysa
31Ciise ayaa ku yiri Yuhuuddii isaga aamintay, “Haddii aad waxbarideyda haysataan xaqiiqdii waxaad tihiiin xerteyda. 32Runta ayaad ogaan doontaan oo runtaasna wey idin xoreyn doontaa.”
33Markaas ayey ugu jawaabeen, “Waxaan nahay caruurta Ibraahim, weligeenna qofna adoon uma noqon. Sidee ayey ku noqon kartaa in nala xoreeyo?”
34Ciisana wuxuu ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, qof walboo dembi gala wuxuu adoon u yahay dembiga. 35Haddaba adoonku reerka lama joogi doono weligiis laakiin wiilku weligiis ayuu reerka ka tirsanaan doonaa. 36Haddaba haddii uu Wiilku ku xoreeyo, runtii waad xoroobeysaa. 37Waan ogahay inaad tihiin caruurta Ibraahim. Laakiin waxaad dooneysaan inaad i dishaan, waayo fariinteyda qalbiyadiina kuma jirto. 38Waxaan idiin sheegayaa waxyaaluhuu Aabahay i tusay, sida aad idinkuba u sameyneysaan waxyaalihii uu aabihiin idin baray.”
39Markaas ayey Ciise ku yiraahdeen, “Ibraahim waa aabaheen.”
Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Haddii aad caruurta Ibraahim tihiin haddaba waxaad sameyn lahaydeen wuxuu Ibraahim sameyn jiray. 40Waxaad dooneysaan fursad aad igu dishaan, runta Illaahey isoo faray inaan idiin sheegay darteed. Ibraahim ma sameynin waxyaalahaas oo kale. 41Waxaad sameyneysaan waa shaqooyinkii aabihiin.”
Waxey yiraahdeen, “Ma nihin caruur aan sharci lagu dhalin, aabaha kaliya aan leenahayna waa Illaahey.”
42Ciisana wuxuu iyaga ku yiri, “Haddii Illaahey Aabihiin ahaan lahaa waad i jeclaan lahaydeen, waayo anigu waxaan ka imid Illaahey. Anigu ma iskeenin ee Illaahey ayaa isoo diray. 43Maxaad ii fahmi la’dihiin? Waayo ma dooneysaan inaad i maqashaan. 44Idinku waxaad tihiin kuwa aabahood yahay ibliis, waxaadna sameysaan si la mid ah siduu isaga doono oo kaliya. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa gacan ku dhiigle iyo beenlow. Waayo isagu runta kuma jirto. Beentiisa ayuu ku hadlaa wax walboo uu ku hadlana waa been, waayo isagu waa beenlow waana aabaha beenta. 45Waayo waxaan idiin sheegay oo dhan waa run, laakiin idinku ima aaminin. 46Ma jiraa qof idin ka mid ah oo igu cadeyn kara inaan ahay dembiile? Haddaba haddaan runta idiin sheegayo maxaad ii aamini la’dihiin? 47Mid walboo Illaahey leh wuxuu maqlaa wuxuu Illaah yiri. Sababta aad u maqleynin waa kama tirsanidiin kuwiisa.”
Ciise iyo Ibraahim
48Yuhuuddii ayaa Ciise ku tiri, “Kuma qaldaneyn markaan niri waxaad tahay reer Samaariya oo ruux wasakh leh ayaad qabtaa!”
49Ciise ayaa ugu jawaabay, “Ruuxyo wasakh leh ma qabo, waxaan adeecaa Aabahay laakiin idinku waad diideen inaad i adeecdaan. 50Ammaan ma raadsanayo laakiin waxaa jira mid doonaya in la ammaano, waana kan wax xukuma. 51Runtii waxaan idin ku leeyahay mid walboo ereygeyga xajiya weligiis dhimasho ma arki doono.”
52Yuhuuddii waxey isaga ku yiraahdeen, “Hadda waan ogaanay inaad ruuxyo wasakh leh qabto! Balse Ibraahim wuu dhintay sidoo kalana nebiyadu wey dhinteen, laakiin adigu waxaad leedahay mid walboo ereygeyga xajiya weligiis dhimasho ma arki doono. 53Miyaad ka weyn tahay aabaheen Ibraahim? Waayo isagu wuu dhintay, sidoo kalana nebiyadu wey dhinteen. Haddaba adigu yaad isu maleysaa?”
54Ciise ayaa iyaga ugu jawaabay, “Haddaan is ammaano ammaanteydu waxba ma aha. Laakiin Aabahay kan aad leedihiin waa Illaaheena kaas ayaa aniga i ammaana. 55Inkastoo eydan garaneyn isaga, laakiin anigu waan garanayaa isaga, haddii aan iraahdo ma garanayo sidiina oo kale ayaan beenlow u noqonayaa. Laakiin waan garanayaa isaga oo ereygiisana waan xajiyaa. 56Aabihiin Ibraahim aad ayuu ugu farxay markii uu i arkay.”
57Markaas ayey Yuhuuddii Ciise ku yiraahdeen, “Xitaa weli ma aadan gaarin konton sano laakiin waxaad leedahay waxaan arkay Ibraahim!”
58Ciise ayaa ugu jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, Ibraahim inta uusan dhalanin ka hor ayaan jiray!” 59Markaas ayaa dadkii intey dhagaxyo qaateen ayey doonayeen iney dhagaxeeyaan Ciise, laakiin Ciise intuu is qariyay ayuu ka tagay macbadka.
Currently Selected:
Yooxanaa 8: EI
Highlight
Share
Copy
Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.