1
Yooxanaa 13:34-35
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
“Waxaan idin siinayaa amar cusub. Is jeclaada, sida aan idinka idiin jeclaaday, sidaa darteed waa inaad is jeclaataan. Haddii aad is jeclaataan, qof walba wuu ogaan doonaa inaad tihiin xerteyda.”
Compare
Explore Yooxanaa 13:34-35
2
Yooxanaa 13:14-15
Haddaba aniga oo ah Rabbigiina iyo macalinkiina cagahiina ayaan dhaqay, idinkuna waa inaad sidoo kale cagaha isu dhaqdaan. Waxaan idiin noqday tusaale, idinkuna waa inaad sameysaan sidii aan aniga idiin sameeyay oo kale.
Explore Yooxanaa 13:14-15
3
Yooxanaa 13:7
Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Hadda ma ogaan kartid waxyaalahan sameynayo, laakiin hadhow ayaad ogaan doontaa.”
Explore Yooxanaa 13:7
4
Yooxanaa 13:16
Runtii waxaan idin ku leeyahay, adeeguhu kama weyna sayidkiisa, fariinsidana kama weyna kii soo diray.
Explore Yooxanaa 13:16
5
Yooxanaa 13:17
Haddaba waad garaneysaan waxyaalahan, haddaad sameysaanna waad barakoobi doontaan.
Explore Yooxanaa 13:17
6
Yooxanaa 13:4-5
Sidaa darteed intuu cashadii ka kacay ayuu dharkii uu kor ka gashnaa iska siibay oo dhexda ku xirtay shukumaan. Kadib intuu biyo weel ku shubay ayuu bilaabay inuu xertiisi cagaha ka dhaqo. Wuxuuna ku qalajinaayay shukumaankii uu dhexda ku xirnaa.
Explore Yooxanaa 13:4-5
Home
Bible
Plans
Videos