1
Falimaha 2:38
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Butros ayaa ugu jawaabay, “Toobadkeena oo qof walboo idin ka mid ah halagu baabtiiso magaca Ciise Masiix si la idin kugu dembi dhaafo. Kadib ayaana la idin siin doonaa hadiyada Ruuxa Quduuska ah.
Compare
Explore Falimaha 2:38
2
Falimaha 2:42
Waxey waqtigooda ku qaadan jireen iney wax ka bartaan rasuullada waxeyna ahaayeen sida hal qoys, iyagoo wada duceysanaya oo wadaagaya cashada Rabbiga.
Explore Falimaha 2:42
3
Falimaha 2:4
Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney afaf kale ku hadlaan sidii uu Ruuxa Quduuska ah ku hogaamiyay.
Explore Falimaha 2:4
4
Falimaha 2:2-4
Kadib si kadis ah ayey u maqleen qeylo ka timid samada oo u eg dabayl xoog leh waxeyna buuxisay gurigii ey ku jireen. Markaas ayey arkeen wax u eg carrabyo dab ah oo kala qeybsamaya carrab walbana wuxuu ku dul degay mid kastoo iyaga ka mid ah. Kuligoodna waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah waxeyna bilaabeen iney afaf kale ku hadlaan sidii uu Ruuxa Quduuska ah ku hogaamiyay.
Explore Falimaha 2:2-4
5
Falimaha 2:46-47
Maalin walba waxey ku kulmayeen macbadka. Waxey guryahooda ku diyaarinayeen cashada Rabbiga weyna wada cunayeen iyagoo leh qalbiyo daacad ah oo faraxsan, oo Illaahey ammaanaya oona ku faraxsan dadku sida ey iyaga u jecelyihiin. Illaaheyna maalin walba kuwa badbaaday ayuu ku soo dari jiray.
Explore Falimaha 2:46-47
6
Falimaha 2:17
“ ‘Illaahey ayaa yiri, maalmaha ugu dambeeya, dadka oo dhan waxaan siin doonaa Ruuxeyga. Wiilashiina iyo gabdhahiina wax ayey sii sheegi doonaan, raggiina dhalinyarada ahna wax ayey arki doonaan, odayaashiinuna riyooyin ayey arki doonaan.
Explore Falimaha 2:17
7
Falimaha 2:44-45
Rumeystayaashu badanaa wey wada joogeen wax walboo ey haystaanna wey wadaageen. Waxeyna gadayeen dhulalkooda iyo hantidooda si ey lacagta u siiyaan kuwa u baahan.
Explore Falimaha 2:44-45
8
Falimaha 2:21
Kadibna qof walboo Rabbiga caawimaad weydiista wuu badbaadi doonaa.’
Explore Falimaha 2:21
9
Falimaha 2:20
Qoraxdu wey madoobaan doontaa dayaxuna wuxuu u ekaan doonaa dhiig inteysan imaan maalinta uu Rabbigu dadka oo dhan xukumi doono.
Explore Falimaha 2:20
Home
Bible
Plans
Videos