1
YOOXANAA 8:12
KITAABKA QUDUUSKA AH
Haddaba Ciise ayaa mar kale la hadlay iyaga, oo wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay nuurka dunida. Kii i soo raacaa, gudcurka kuma socon doono, wuxuuse lahaan doonaa nuurka nolosha.
Сравни
Разгледайте YOOXANAA 8:12
2
YOOXANAA 8:32
Oo waxaad garan doontaan runta; runtiina waa idin xorayn doontaa.
Разгледайте YOOXANAA 8:32
3
YOOXANAA 8:31
Sidaas aawadeed Ciise wuxuu ku yidhi Yuhuuddii isaga rumaysatay, Haddaad ereygayga ku sii socotaan, runtii waxaad tihiin xertayda.
Разгледайте YOOXANAA 8:31
4
YOOXANAA 8:36
Sidaas aawadeed haddii Wiilku idin xoreeyo, runtii xor baad ahaan doontaan.
Разгледайте YOOXANAA 8:36
5
YOOXANAA 8:7
Laakiin goortay sii wadeen inay weyddiiyaan, wuu istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Kii idinka mid ah oo aan dembi lahayn, isagu horta dhagax ha ku tuuro.
Разгледайте YOOXANAA 8:7
6
YOOXANAA 8:34
Ciise ayaa ugu jawaabay, Runtii, runtii, waxaan idinku leeyahay, Kii kasta oo dembi sameeyaa waa addoonkii dembiga.
Разгледайте YOOXANAA 8:34
7
YOOXANAA 8:10-11
Ciise ayaa istaagay oo ku yidhi iyadii, Naag yahay, xaggee bay joogaan? Ninna miyaanu ku xukumin? Waxay ku tidhi, Ninna, Sayidow. Ciisena wuxuu ku yidhi, Anna ku xukumi maayo. Soco, oo hadda ka dib ha dembaabin.
Разгледайте YOOXANAA 8:10-11
Начало
Библия
Планове
Видеа