Ilaahu ha ku siiyo sayaxa samada,
Iyo barwaaqada dhulka,
Iyo hadhuudh iyo khamri badan.
Dadyowgu ha kuu adeegeen,
Quruumuhuna ha kuu sujuudeen.
Walaalahaa sayid u noqo,
Wiilasha hooyadaana ha kuu sujuudeen.
Ha inkaarnaado ku kasta oo ku inkaaraa,
Ha ducaysnaado ku kasta oo kuu duceeyaa.