1
Luukos 17:19
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Kadib wuxuu ku yiri, “Kac oo soco, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay.”
Porovnať
Preskúmať Luukos 17:19
2
Luukos 17:4
Xitaa haddii ey maalintii toddoba mar kugu qaldamaan oo ey toddoba mar kuu soo laabtaan iyagoo ku dhahaya ‘Waan ka toobadkeenay qaladkayga,’ waa qasab inaad cafisid.”
Preskúmať Luukos 17:4
3
Luukos 17:15-16
Mid ka mid ah baras layaashii markii uu arkay inuu bogsaday, wuu soo laabtay, isaga oo cod dheer Illaahey ku ammaanaya. Wuxuu isku tuuray Ciise cagahiisa wuuna u mahadceliyay. Wuxuuna ahaa reer Samaariya.
Preskúmať Luukos 17:15-16
4
Luukos 17:3
Haddaba is ilaaliya. “Haddii uu walaalkaa ama walaashaa midkood qalad kaa galo, iska canaano, haddii ey ka toobadkeenaan iska cafi.
Preskúmať Luukos 17:3
5
Luukos 17:17
Ciise ayaa weydiiyay, “Tobankiiba ma nadiifsamin miyaa? Aaway sagaalkii kale?
Preskúmať Luukos 17:17
6
Luukos 17:6
Wuxuu ugu jawaabay, “Haddii aad lahaan lahaydeen iimaan u yar sida iniinta khardalka, waxaad ku dhihi kartaan geedkan sukamin ah, ‘Ruq oo badda ku beeran,’ wuuna idin adeeci lahaa.
Preskúmať Luukos 17:6
7
Luukos 17:33
Qofkii isku daya inuu naftiisa ilaaliyo wuu lumin doonaa, qofkii naftiisa lumiyana wuu dhowri doonaa.
Preskúmať Luukos 17:33
8
Luukos 17:1-2
Ciise ayaa ku yiri xertiisa, “Waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan ayaa soo socda, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan. Iney kuwan yar yar turuntureeyaan waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro iyaga oo dhagax culus qoorta looga xiray.
Preskúmať Luukos 17:1-2
9
Luukos 17:26-27
“Sida ey ahayd maalmihii Nuux, sidaas oo kale ayey noqon doontaa maalmaha Wiilka Aadanaha. Dadku wax ayey cunayeen, cabayeen, weyna guursanayeen waana la guursanayay illaa laga gaaray maalintii Nuux uu galay doonta. Kadibna uu daadkii yimid uuna baabi’iyay dhamaantood.
Preskúmať Luukos 17:26-27
Domov
Biblia
Plány
Videá