1
YOOXANAA 6:35
Kitaabka Quduuska Ah
SOM08
Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigu waxaan ahay kibista nolosha. Kii ii yimaadaa ma gaajoon doono, kii i rumaystaana ma harraadi doono weligiis.
तुलना करा
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:35
2
YOOXANAA 6:63
Waa ruuxa kan wax nooleeyaa, jidhkuse waxba ma taro. Erayadii aan idinkula hadlayna waxay yihiin ruux iyo nololba.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:63
3
YOOXANAA 6:27
Ha u shaqaynina cuntada hallaabaysa, laakiin u shaqeeya cuntada sii jiraysa ilaa nolosha weligeed ah ee Wiilka Aadanahu idin siin doono, waayo, isaga Aabbaha Ilaaha ah ayaa caddeeyey.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:27
4
YOOXANAA 6:40
Waayo, tanu waa doonistii Aabbahay in mid kasta oo Wiilka arka oo rumaysta uu nolosha weligeed ah lahaado, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:40
5
YOOXANAA 6:29
Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Kanu waa shuqulkii Ilaah inaad rumaysataan kii uu soo diray.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:29
6
YOOXANAA 6:37
Dhammaan wuxuu Aabbuhu i siiyo way ii iman doonaan, oo kii ii yimaadana ma eryi doono.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:37
7
YOOXANAA 6:68
Markaasaa Simoon Butros wuxuu ugu jawaabay, Sayidow, yaannu u tagnaa? Adigaa haya erayadii nolosha weligeed ahe.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:68
8
YOOXANAA 6:51
Anigu waxaan ahay kibista nool ee samada ka soo degtay. Haddii qof uun kibistan cuno, weligiis wuu noolaan doonaa. Oo kibistaan siin doonaa waa jidhkayga, nolosha dunida aawadeed.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:51
9
YOOXANAA 6:44
Ninna iima iman karo hadduusan Aabbihii i soo diray soo jiidin, aniguna maalinta u dambaysa waan soo sara kicin doonaa.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:44
10
YOOXANAA 6:33
Waayo, kibista Ilaah waa kan samada ka soo degay oo dunida nolosha siiya.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:33
11
YOOXANAA 6:48
Anigu waxaan ahay kibista nolosha.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:48
12
YOOXANAA 6:11-12
Haddaba Ciise kibistuu qaaday, oo goortuu mahadnaqay ayuu u qaybiyey kuwii fadhiyey, sidaas oo kalena kalluunkii intay doonayeen. Markay wada dhergeen, wuxuu xertiisii ku yidhi, Ururiya jajabkii hadhay, waxba yaanay ka hallaabin.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:11-12
13
YOOXANAA 6:19-20
Haddaba markay seeb ku wadeen qiyaas shan iyo labaatan ama soddon istaadiyon, waxay arkeen Ciise oo badda ku dul socda oo doonnida u soo dhowaanaya, wayna baqeen. Laakiin wuxuu ku yidhi, Waa aniga ee ha baqina.
एक्सप्लोर करा YOOXANAA 6:19-20