1
Luukos 23:34
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Ciise ayaana yiri, “Aabow cafi iyaga, sababtoo ah ma garanayaan waxey sameynayaan.” Kadibna waxey qori tuur u sameeyeen iney dharkiisi kala qeybsadaan.
ប្រៀបធៀប
រុករក Luukos 23:34
2
Luukos 23:43
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Run ahaantii waxaan kugu leeyahay, maantay jannada ayaad ila joogi doontaa.”
រុករក Luukos 23:43
3
Luukos 23:42
Intaas kadib ayuu yiri, “Ciisow, isoo xasuuso markaad gashid boqortooyadaada.”
រុករក Luukos 23:42
4
Luukos 23:46
Ciise ayaa cod dheer ku dhawaaqay oo yiri, “Aabow, adiga ayaan ruuxdeyda kuu dhiibay.” Markii uu saas yiri, ayey nafta ka baxday.
រុករក Luukos 23:46
5
Luukos 23:33
Markey yimaadeen meel la yiraahdo Lafta Madaxa oo ey romaaniyiintii dadka ku dili jireen, waxey halkaas Ciise iskutallaabta kula qodbeen dembiilayaashii, mid ayaa midigta ka xigay kan kalana bidixda.
រុករក Luukos 23:33
6
Luukos 23:44-45
Xiligu wuxuu ku dhawaa duhur, mugdi ayaa qariyay dhulkoo dhan illaa saddexdii duhurnimo, qoraxdii ayaa madoobaatay. Daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay.
រុករក Luukos 23:44-45
7
Luukos 23:47
Boqol u taliyihii ayaa markii uu arkay waxa dhacay, Illaahey ammaanay oo yiri, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa nin xaq ah.”
រុករក Luukos 23:47
គេហ៍
ព្រះគម្ពីរ
គម្រោងអាន
វីដេអូ