1
LUUKOS 10:19
KITAABKA QUDUUSKA AH
Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
Összehasonlít
Fedezd fel: LUUKOS 10:19
2
LUUKOS 10:41-42
Laakiin Sayidku waa u jawaabay oo ku yidhi, Maarta, Maartay, wax badan ayaad ka welwelaysaa oo isku dhibaysaa. Laakiin mid baa loo baahan yahay, Maryanna waxay dooratay intii roonayd oo aan laga qaadi doonin.
Fedezd fel: LUUKOS 10:41-42
3
LUUKOS 10:27
Isagaa u jawaabay oo ku yidhi, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan, iyo naftaada oo dhan, iyo xooggaaga oo dhan, iyo caqligaaga oo dhan, deriskaagana waa inaad u jeclaataa sida naftaada.
Fedezd fel: LUUKOS 10:27
4
LUUKOS 10:2
Wuxuuna ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin. Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.
Fedezd fel: LUUKOS 10:2
5
LUUKOS 10:36-37
Saddexdaas kee bay kula tahay inuu deris u ahaa kii tuugagga ku dhex dhacay? Wuxuu ku yidhi, Kii u naxariistay. Markaasaa Ciise ku yidhi, Tag oo sidaas oo kale yeel.
Fedezd fel: LUUKOS 10:36-37
6
LUUKOS 10:3
Socda, oo ogaada, waxaan idiin dirayaa sida baraar oo yeey ku dhex jira.
Fedezd fel: LUUKOS 10:3
Kezdőoldal
Biblia
Tervek
Videók