1
Luukos 8:15
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Laakiin abuurkii carrada fiican ku dhacay waa kuwa daacada ah oo qalbiga fiican leh, kuwa markey ereyga maqlaan qaata oona haysta, oo dulqaadashadoodana ku dhala mirro.
Comparar
Explorar Luukos 8:15
2
Luukos 8:14
Abuurkii meesha qodaxda leh ku dhacayna waa kuwa ereyga maqla, laakiin sidii ey usii socdaan ayey ku mashquulaan welwelka nolosha, taajirnimada iyo waxyaalaha jirka ka farxiya, iimaankana kuma koraan.
Explorar Luukos 8:14
3
Luukos 8:13
Kuwii kale ee meesha dhagaxyada leh ku dhacay waa kuwa ereyga si farxad leh ku aqbala markey maqlaan, laakiin iimaankooda oo aan sal adag laheyn dartiis, waqti yar ayey aaminsanaayeen markii jarribaaddi timidna wey laabteen.
Explorar Luukos 8:13
4
Luukos 8:25
Markaas ayuu Ciise weydiiyay, “Iimaan malihidiin miyaa?” Xertii ayaa iyagoo isku naxsan oo yaaban is weydiiyay, “Yuu yahay ninkan? Waayo markii uu amarka bixiyo xitaa dabayshii iyo hirarkii wey maqleen!”
Explorar Luukos 8:25
5
Luukos 8:12
Abuurkii jidka agtiisa ku dhacay waa kuwa ereyga maqla laakiin ibliisku intuu u yimaado ayuu qalbigooda ka saaraa, si eysan u aaminin oo eysan u badbaadin.
Explorar Luukos 8:12
6
Luukos 8:17
Waayo wax walboo qarsoon banaanka ayaa la soo dhigi doonaa, wax walboo daboolanna banaanka ayaa la keeni doona.
Explorar Luukos 8:17
7
Luukos 8:47-48
Kadib naagtii ayaa aragtay in la ogaan doono, markaas ayey dadkii kasoo dhex baxday oo cagihii Ciise ku dhacday, una sheegtay waxey isaga u taabatay iyo sidii ey isla markii u bogsatay. Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Gabadheydiyey, iimaankaaga ayaa ku bogsiiyay ee nabad ku tag.”
Explorar Luukos 8:47-48
8
Luukos 8:24
Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen, iyagoo leh, “Sayidow, Sayidow, biyahan wey na laqi doonaan!” Ciise markii uu soo kacay, wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii. Isla markii ayaa duufaantii degtay oo wax walbana wey degeen.
Explorar Luukos 8:24
Inicio
Biblia
Planes
Vídeos