1
EFESOS 5:1-2
Kitaabka Quduuska Ah
Haddaba ahaada kuwo ku dayda Ilaah idinkoo ah sida carruur la jecel yahay. Jacayl ku socda siduu Masiixuba idiin jeclaa, oo uu nafsaddiisii inoogu bixiyey inuu Ilaah u ahaado qurbaan iyo allabari oo uu ahaado caraf udgoon.
Compare
Explore EFESOS 5:1-2
2
EFESOS 5:15-16
Haddaba ka digtoonaada sidaad u socotaan, oo ha u soconina sida kuwo aan caqli lahayn, laakiinse u socda sida kuwo caqli leh. Wakhtiga ka faa'iidaysta, maxaa yeelay, maalmuhu shar bay leeyihiin.
Explore EFESOS 5:15-16
3
EFESOS 5:18-20
Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo. Iskula hadla sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo gabyaya oo Rabbiga qalbigiinna ka ammaanaya. Mar kasta Ilaaha Aabbaha ah wax walba mahad ugu naqa magaca Rabbigeenna Ciise Masiix.
Explore EFESOS 5:18-20
4
EFESOS 5:17
Sidaas daraaddeed nacasyo ha ahaanina, laakiinse garta waxa ay doonista Rabbigu tahay.
Explore EFESOS 5:17
5
EFESOS 5:25
Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed
Explore EFESOS 5:25
6
EFESOS 5:8
haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka
Explore EFESOS 5:8
7
EFESOS 5:21
Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.
Explore EFESOS 5:21
8
EFESOS 5:22
Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.
Explore EFESOS 5:22
9
EFESOS 5:33
Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.
Explore EFESOS 5:33
10
EFESOS 5:31
Oo sababtaas aawadeed nin wuxuu ka tegayaa aabbihiis iyo hooyadiis, wuxuuna la joogayaa naagtiisa, oo labaduba waxay noqonayaan isku jidh.
Explore EFESOS 5:31
11
EFESOS 5:11
oo innaba xidhiidh ha la yeelanina shuqullada aan midhaha lahayn oo gudcurka, laakiinse kashifa
Explore EFESOS 5:11
Home
Bible
Plans
Videos