1
1 KORINTOS 13:4-5
Kitaabka Quduuska Ah
Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro, wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro
Compare
Explore 1 KORINTOS 13:4-5
2
1 KORINTOS 13:7
Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.
Explore 1 KORINTOS 13:7
3
1 KORINTOS 13:6
xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta.
Explore 1 KORINTOS 13:6
4
1 KORINTOS 13:13
Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.
Explore 1 KORINTOS 13:13
5
1 KORINTOS 13:8
Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.
Explore 1 KORINTOS 13:8
6
1 KORINTOS 13:1
Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.
Explore 1 KORINTOS 13:1
7
1 KORINTOS 13:2
Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
Explore 1 KORINTOS 13:2
8
1 KORINTOS 13:3
Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.
Explore 1 KORINTOS 13:3
9
1 KORINTOS 13:11
Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.
Explore 1 KORINTOS 13:11
Home
Bible
Plans
Videos