YouVersion Logo
Search Icon

Markos 2

2
Ciise oo bogsiiyay nin curyaan ah
1Dhowr maalmood kadib ayuu Ciise wuxuu haddana ku laabtay Kafarna’um, dadkii ayaa maqlay inuu guriga joogo. 2Markaas ayaa dad badan isku soo urureen oo meel la kala istaago ayaa la waayay xitaa albaabka hortiisa, oo wuxuu iyagii ku wacdiyay ereyga. 3Markaas ayaa waxaa u yimid niman wada nin curyaan ah. 4Markey waayeen meel ey Ciise u maraan waayo dadkii ayaa meesha buuxay, waxey fuuleen saqafka guriga oo derintiisi ayey ku soo dejiyeen dadkii badnaa dhexdooda illaa ey ka dhigeen Ciise hortiisa. 5Ciise markii uu arkay iimaankoodi, ayuu ku yiri ninkii curyaanka ahaa, “Saaxiibow, dembiyadaadu wey cafisan yihiin.”
6Haddaba waxaa halkaas fadhiyay macalimiintii sharciga Muuse, oo qalbiyadooda ayey iskala hadlayeen, 7“Ninkan muxuu sidan ugu hadlayaa? Wuu caaytamayaa! Yaa dembi cafin kara Illaahey maahee?”
8Isla markiiba Ciise wuxuu ka ogaaday ruuxdiisa waxyaalaha ey qalbiyadoodu ka fikirayeen, oo wuxuuna ku yiri, “Maxaad waxyaalahan uga fikireysaan? 9Teebaa fudud, ma inaad ninkan curyaanka ah ku tiraahdo, ‘Dembiyadaadi waa la cafiyay,’ mise inaad tiraahdo, ‘Istaag derintaada qaado oo soco’? 10Laakiin waxaan rabaa inaad ogaataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay awood uu dembiyada ku cafiyo.” Markaas ayuu ninkii ku yiri, 11“Waxaan kugu leeyahay istaag, derintaada qaado oo gurigaaga tag!” 12Dadkii hortooda ayuuna ku kacay, derintiisana qaatay oo tagay. Arintaasna dadka oo dhan ayey ka yaabisay oo iyaguna Illaahey ayey ammaaneen iyagoo leh, “Weligeen waxan oo kale maanan arkin!”
Ciise oo u yeeray Laawi lana cunteeyay dembiilayaal
13Kadib Ciise wuxuu tagay warta Galili agteeda. Waxaa isaga u yimaaday dad badan oo wuxuuna bilaabay inuu iyaga wax baro. 14Intuu soconayay ayuu arkay Laawi ina Alfayos isaga oo fadhiya meesha canshuurta lagu qaado. Markaas ayaa Ciise isaga ku yiri, “Isoo raac.” Laawina wuu kacay oo raacay.
15Ciise oo ka casheynaya guriga Laawi, canshuur qaadayaal iyo dembiilayaal badan ayaa la cunteynayay isaga iyo xertiisa. Waayo kuwa badan ayaa isaga raacay. 16Markey macalimiintii sharciga Muuse kuwaasoo ah Farrisiinta arkeen Ciise oo la cunteynaya dembiilayaasha iyo kuwa canshuur qaadayaasha ah ayey weydiiyeen xertii, “Muxuu ula cunayaa canshuur qaadayaasha iyo dembiilayaasha?”
17Ciisana markii uu arintaas maqlay ayuu iyaga ku yiri, “Dadka caafimaadka qaba uma baahno dhakhtar, ee kuwa xanuusan ayaa u baahan. Anigu uma imaanin kuwa u maleynaya iney yihiin kuwa xaq ah, laakiin waxaan u imaaday kuwa dembiilayaasha ah.”
Ciise oo la weydiiyay su’aal ku saabsan soonka
18Maalin ayaa dad ku yiraahdeen Ciise, “Sidee ayey ku dhacday in xertii Yooxanaa Baabtiisaha ey mar walba soomaan oo ey tukadaan, sidoo kale xerta Farrisiinta, laakiin xertaadu ey mar walba wax cunaan oo ey wax cabaan?”
19Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay oo ku yiri, “Sidee ayey ku dhaceysaa in martida aroosku soomaan iyadoo uu caruusku la joogo? Waa maya. 20Laakiin waqti ayaa imaan doona oo uu caruusku ka tagi doono, markaas ayey soomi doonaan.
21 “Qofna maro cusub kuma dul tolo maro duug ah. Haddii kale marada cusub wey soo go’aysaa jeexniinkuna wuu kasii darayaa. 22Qofna kuma shubo khamri cusub sibraar duug ah, haddii kale khamriga cusub wuu kala dilaacinayaa sibraarada khamriguna wuu daadanayaa. Sidaa darteed khamriga cusub waa in lagu shubo weel cusub.”
Ciise waa Rabbiga Sabtida
23Maalin Sabti ah Ciise iyo xertiisa oo dhex socda beer badar ah, ayey xertiisi bilaabeen iney sabuulladii goostaan. 24Farrisiinti ayaa Ciise ku yiri, “Maxey u sameynayaan wax aan banaaneyn maalinta Sabtida in la sameeyo?”
25Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyeydan ka akhrisan qoraalka wixii Daa’uud iyo kuwii la jiray sameeyeen goortey gaajeysnaayeen? 26Waagii Aabyaataar wadaadka sare ahaa, Daa’uud wuxuu galay guriga Illaahey oo jabiyay sharciga, kibistii goonida loo bixiyay, taas oo ey sharciyan u leeyihiin wadaaddadu oo sidoo kale wuxuu xoogaa kuwii la jiray.”
27Kadib Ciise wuxuu iyaga ku yiri, “Sabtida waxaa loo sameeyay binu aadanka ee binu aadanka looma sameynin Sabtida. 28Sidaa darteed Wiilka Aadanahu waa Sayidka Sabtida.”

Currently Selected:

Markos 2: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in