Matayos 23:23
Matayos 23:23 EI
“Hoog ayaa idin sugaya, macalimiinta sharciga Muuse iyo Farrisiintow, labawejiilayaal yahow! Toban meelood meel ayaad Illaahey ka siisaan dhirta beertiina kasoo baxda oo kala ah reexaan, kabsar iyo hayl. Laakiin waxaad ka tagteen waxyaalo ka muhiimsan oo sharciga ku qoran sida cadaalad, naxariis iyo aaminnimo. Waxey ahayd inaad waxyaalahaas sameysaan idinka oo aan kuwa kale ka tagin.