YouVersion Logo
Search Icon

Matayos 13

13
Tusaalihii ninkii beerta lahaa
1Isla maalintaas ayuu Ciise guriga ka baxay wuxuuna fariistay warta Galili agteeda, si uu dadka halkaas wax ugu baro. 2Dad badan ayaa agtiisa ku soo ururay wuxuuna fariistay doon korkeed, dadkiina waxey taagnaayeen warta qarkeeda. 3Kadibna waxyaalo badan ayuu tusaale ahaan ugu sheegay isaga oo leh, “Nin beeraley ah ayaa u baxay inuu abuurkiisi beerto. 4Intuu abuurka firdhinayay, qaar ayaa ku dhacay jidka, shimbirrihii ayaa cunay. 5Qaarna waxey ku dhaceen meel dhagaxyo leh oo ciiddu ku yartahay isla markiina wey soo baxeen waayo ciiddu dhulka kuma badneyn. 6Laakiin markii qoraxdii soo baxday, wey gubteen weyna qalaleen maxaa yeelay xidid ma lahayn. 7Kuwa kalana waxey ku dhaceen qodaxyo, markey soo baxeenna qodaxyadii ayey kasoo dhex bixi waayeen. 8Kuwa kalana waxey ku dhaceen carro fiican, taas oo soo saartay inta u dhaxaysa boqol jibaar ama lixdan jibaar ama soddon jibaar in ka badan wixii la abuuray. 9Mid walboo dheggo leh ha maqlo.”
10Xertii ayaa Ciise u yimaadeen oo weydiiyeen, “Maxaad dadka tusaale ugula hadashaa?”
11Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waayo waxaa la idin siiyay garashada sirta boqortooyada jannada, laakiin iyaga lama siin. 12Mid walboo wax haysta waxaa la siin doonaa in ka badan intuu haysto, wuxuuna haysan doonaa wax badan. Laakiin kuwa aan waxba haysan xitaa waxa yar oo ey haystaan ayaa laga qaadi doonaa. 13Waxaan iyaga kula hadlaa tusaale sababtoo ah,
“Wey fiiriyaan laakiin wax ma arkaan,
wey dhageystaan laakiin ma maqlaan mana fahmaan.
14 Iyaga dhexdooda ayuu ku dhaboobay wixii uu sii sheegay nebi Isayos isaga oo leh,
“ ‘Weligiin waxbaad maqli doontaan laakiin ma fahmi doontaan,
weligiin waxbaad fiirin doontaan laakiin ma arki doontaan.
15 Waayo dadkan qalbiyadoodu wey adkaadeen,
dhagahoodu wax ma maqlaan,
indhahoodana wey dabooleen.
Haddeysan sidaa ahayn indhahooda ayey wax ku arki lahaayeen,
dhagahoodana waxbey ku maqli lahaayeen,
qalbiyadoodana waxbey ku fahmi lahaayeen
weyna ii soo noqon lahaayeen oo waan bogsiin lahaa.’
16 Laakiin waxaa barakeysan indhihiina waayo waxbey arkaan, waxaana barakeysan dhagahiina waayo waxbey maqlaan. 17Runtii waxaan idin ku leeyahay, nebiyo badan iyo dad xaq ah ayaa rabay iney arkaan oo maqlaan waxa aad aragtaan oo aad maqashaan, laakiin uma suurta galin.
18 “Haddaba dhagaysta macnaha tusaalihii ninkii beerta lahaa. 19Tusaalihii mirihii jidka geesihiisa ku dhacay waa dadka maqla wax ku saabsan warka wanaagsan ee boqortooyada Illaahey, laakiin aanan fahmin, waxaa u yimaada midka sharka leh wuxuuna ka qaataa warkii wanaagsanaa ee qalbigooda lagu beeray. 20Abuurkii meesha dhagaxyada leh ku dhacay waa dadka maqla warka wanaagsan oo isla markiina si farxad leh ku aqbala. 21Laakiin iimaankooda oo aan sal adag lahayn dartiis, waxey sii jiraan waqti yar. Markii dhib iyo silac yimaado ereyga dartiisna, isla markiiba iimaanka wey ka laabtaan. 22Miraha ku dhacay qodxaanta dhexdoodana waa dadka maqla warka wanaagsan, laakiin welwelka noloshan iyo damaca taajirnimada ayaa baabi’iya warkii wanaagsanaa, wuxuuna noqdaa mirro la’aan. 23Laakiin abuurkii ku dhacay carrada fiican waa dadka maqla warka wanaagsan oo fahma. Waxeyna soo saaraan boqol jibaar ama lixdan jibaar ama soddon jibaar in ka badan intii la beeray.”
Tusaalihii gocondhada
24Ciise ayaa u sheegay tusaale kale, “Boqortooyada jannada waa sida nin beertiisa ku beeray iniin wanaagsan. 25Laakiin intii ey dadku hurdeen ayey cadowgiisii yimaadeen oo gocondho#13:25 Gocondho: Waa dhirta aan loo baahneyn ee ka baxda beerta dhexdeeda. kaga dhex beereen sarreenkiisi weyna tageen. 26Markii sarreenkii soo baxay oo uu mirro dhalay ayey gocondhadiina soo muuqatay.
27 “Markaas ayey shaqaalihii ninkii beerta lahaa u yimaadeen oo ku yiraahdeen, ‘Mudane, miyaadan iniin wanaagsan ku beerin beertaada? Haddaba xaggee ayey gocondhadu ka timid?’
28 “Markaas ayuu ninkii beerta lahaa ku jawaabay, ‘Cadowgayga ayaa sidan yeelay.’
“Markaas ayey shaqaalihii ninkii weydiiyeen, ‘Ma rabtaa inaan tagno oo gocondhada beerta kasoo jarno?’
29 “Markaas ayuu ugu jawaabay, ‘Maya ha jarina waayo waxaa laga yaabaa markaad gocondhada jaraysaan, inaad sarreenkana xididka u jartaan. 30Iska daaya ha isla baxaan illaa waqtiga gurashada. Markii waqtigaas la gaaro ayaan kuwa beerta goynaya ku dhihi doonaa, marka hore gocondhada gooya oo xirmo xirmo iskugu xira si loo gubo, kadibna sarreenka soo gooya oo maqsinkeyga iigu keena.’ ”
Tusaalayaashii iniinta khardalka ah iyo khamiirka
31Kadib Ciise tusaale kale ayuu u sheegay, “Boqortooyada jannada waa sida iniin khardal ah oo uu nin qaaday kuna beeray beertiisa. 32Inkastoo ey tahay iniinta ugu yar, haddana markey baxdo waa geedka ugu weyn beerta oo dhan waxaana ku soo daga shimbirraha hawada oo laamihiisa buulal ka dhista.”
33Haddana Ciise wuxuu u sheegay tusaale kale, “Boqortooyada jannada waa sida haweeney khamiir ku qastay labaatan iyo toddoba kiiloo bur ah illaa uu cajiinkii oo dhan ka faxay.”
34Ciise wuxuu dadkii badnaa waxan oo dhan ugu sheegay si tusaale ah, waxna uma uusan sheegin tusaale ahaan maahee. 35Sidaasna waxaa ku dhaboobay wixii lagu sheegay kitaabadii nebiyada,
“Waxaan ku hadli doonaa tusaalooyin,
waxaanna dhihi doonaa waxyaala qarsoonaa illaa bilowgii aduunka.”
Tusaalihii gocondhada oo la macneeyay
36Kadib Ciise wuu ka tagay meeshii ey dadka badan joogeen wuxuuna aaday guri, xertiisi ayaa u yimaadeen waxeyna ku yiraahdeen, “Noo macnee tusaalihii gocondhadii beerta dhexdeeda ku taalay.”
37Markaas ayuu Ciise xertii ugu jawaabay, “Kan iniinta wanaagsan beeray waa Wiilka Aadanaha. 38Beertu waa aduunka, iniinta wanaagsanna waxaa laga wadaa dadka boqortooyada Illaahey. Gocondhadu waa dadka kan sharka leh, 39cadowga gocondhada beerayna waa ibliiska. Waqtiga gurashadu waa dhamaadka aduunyada, kuwa beerta gurayana waa malaa’igta.
40 “Gocondhada waa la soo ururiyay waana la gubay, waana sidaas sida la yeeli doono dhamaadka aduunka. 41Wiilka Aadanahu wuxuu diri doonaa malaa’igtiisa, waxeyna boqortooyada Illaahey kasoo ururin doonaan qof walboo xumaan sameeya ama dadka u sababa iney dembi sameeyaan. 42Kadibna wuxuu ku tuuri doonaa naarta holceysa, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahana iskugu garaaci doonaan. 43Kadibna kuwa xaqa ah waxey boqortooyada Aabahood uga dhex iftiimi doonaan sidii qoraxdii. Mid walboo dheggo leh ha maqlo.
Tusaalayaashii maalkii qarsoonaa iyo luulkii
44 “Boqortooyada jannada waa sida maal beer dhexdeed ku qarsoonaa oo uu nin helay, farxad darteedna uu u qariyay, kadibna intuu wuxuu lahaa oo dhan iska gaday lacagtiina beertii uu maalku ku qarsoonaa ku gatay.
45 “Sidoo kale, boqortooyada jannada waa sida ganacsade luul wanaagsan raadinaya. 46Kadibna markii uu helo luul tayo wanaagsan leh, ayuu baxay oo wixii uu lahaa oo dhan iska gaday kadibna luulkii tayada lahaa gatay.”
Tusaalihii shabaagta
47Kadib Ciise hadalkii ayuu sii waday wuxuuna yiri, “Sidoo kale boqortooyada jannada waa sida shabaag lagu tuuray badda oo soo qabatay kalluun badan oo kala nooc ah. 48Markey buuxsantayna kalluumaysatadii xeebta ku soo jiideen kadibna kala baxeen kalluunkii fiicnaa oo ku rideen dambiil kii xumaana tuureen. 49Waana sidan sida ey noqon doonto dhamaadka aduunka. Malaa’igta ayaa imaan doonta oo kala saari doonta kuwa sharta leh iyo kuwa xaqa ah, 50kuna tuuri doonta naarta holceysa, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahana isku qaban doonaan.”
51Kadib ayuu xertii weydiiyay, “Ma fahanteen hadalkan aan idin kula hadlayo?”
Waxey ku yiraahdeen, “Haa.”
52Markaas ayuu wuxuu ku yiri, “Haddaba mid walboo sharciga Muuse macalin ku ah kaasoo xer ku noqday boqortooyada jannada waa sida nin guri leh oo maqsiinkiisa kasoo saaraya alaab qaali ah oo cusub iyo alaab duug ah.”
Ciise oo Naasared laga diiday
53Ciise markii uu dhameeyay sheegida tusaalayaashan, halkaas wuu ka tagay. 54Wuxuuna aaday magaaladii uu kasoo jeeday, wuxuu dadka wax ku barayay sunagogyadooda, aad ayeyna ula yaabeen waxeyna is weydiiyeen, “Xaggee ninkan ka helay xigmaddan iyo awoodan mucjisada leh? 55Kani miyuusan ahayn wiilkii faryaamoolaha? Hooyadiis magaceedu miyuusan ahayn Maryan, oo walaalihiisna eysan ahayn Yacquub, Yuusuf, Simoon iyo Yuudas? 56Gabdhaha walaalihiisa oo dhan soo nalama joogaan? Haddaba xaggee ayuu ninkan waxan oo dhan ka helay?” 57Dadkiina aad ayey uga xumaadeen wuxuu Ciise sameynayay.
Laakiin Ciise ayaa ku yiri, “Nebi dad walba ayaa sharfa waxaanan ka ahayn dadka magaaladiisa iyo reerkiisa.”
58Halkaasna Ciise mucjisooyin badan kuma sameyn iimaankooda oo yar dartiis.

Currently Selected:

Matayos 13: EI

Highlight

Share

Copy

None

Want to have your highlights saved across all your devices? Sign up or sign in