Yooxanaa 21:15-17
Yooxanaa 21:15-17 EI
Markey quraacdeen kadib, Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, runtii miyaad i jeceshahay?” Butros ayaa ugu jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idaheyga daaji.” Haddana Ciise wuxuu ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butrosna wuxuu ku jawaabay, “Haa Rabbiyow, waad ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa ku yiri, “Idahayga ilaali.” Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji.