Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay,
Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa,
Waana indho kibir badan, carrab been sheega,
Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya,
Qalbi male shar ah hindisa,
Iyo cago xumaan ku degdega,
Markhaati been ah oo been sheega,
Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera.