Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin. Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa, ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa.