1
KOLOSAY 2:6-7
Kitaabka Quduuska Ah
Haddaba sidaad u aqbasheen Rabbi Ciise Masiix, ku socda, idinkoo isaga xidid ku yeeshay oo ku dhismay, oo rumaysadkiinna ku adkaaday, taas oo ah sidii laydiin baray, oo aad u mahadnaqa.
Compare
Explore KOLOSAY 2:6-7
2
KOLOSAY 2:8
Iska jira yaan ninna idinku dhicin faylosofiyadiisa iyo khiyaanadiisa bilaashka ah xagga caadooyinka dadka iyo waxyaalaha dunida ugu horreeya oo aan ka iman xagga Masiixa
Explore KOLOSAY 2:8
3
KOLOSAY 2:13-14
Idinkoo ku dhintay xadgudubyadiinnii iyo buuryoqabnimadii jidhkiinna ayuu weliba isaga idinla soo noolaysiiyey, isagoo inaga cafiyey xadgudubyadeennii oo dhan. Wuxuu baabbi'iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.
Explore KOLOSAY 2:13-14
4
KOLOSAY 2:9-10
waayo, buuxnaanta Ilaahnimada oo dhammu waa ku jirtaa isagoo jidh leh, oo waa laydin buuxiyey idinkoo ku jira isagoo ah madaxa taaliye kasta iyo amar kasta.
Explore KOLOSAY 2:9-10
5
KOLOSAY 2:16-17
Haddaba ninna yuusan idinku xukumin wax ku saabsan cunto ama cabbid ama maalin iid ah ama bil dhalatay ama maalmaha sabtida, kuwaas oo ah hooska waxyaalaha iman doona, laakiinse jidhka waxaa iska leh Masiixa.
Explore KOLOSAY 2:16-17
Home
Bible
Plans
Videos