1
2 KORINTOS 5:17
Kitaabka Quduuska Ah
Sidaas daraaddeed haddii qof Masiix ku jiro waa abuur cusub, oo waxyaalihii hore way idlaadeen, bal eega, wax waliba way cusboonaadeene.
Compare
Explore 2 KORINTOS 5:17
2
2 KORINTOS 5:21
Wuxuu isaga oo aan dembi aqoonin ka dhigay inuu dembi noqdo aawadeen, inaynu noqonno xaqnimada Ilaah ee ku jirta isaga.
Explore 2 KORINTOS 5:21
3
2 KORINTOS 5:7
waayo, waxaynu ku soconnaa rumaysadka ee ma aha aragga.
Explore 2 KORINTOS 5:7
4
2 KORINTOS 5:18-19
Laakiin wax waliba waa xagga Ilaah kan inagula heshiiyey Masiix, oo na siiyey adeegidda heshiisnimada, taas waxa weeye, Ilaah duniduu Masiix kula heshiiyey, isagoo aan dembiyadooda ku xisaabaynin, oo noo dhiibay hadalka heshiisnimada.
Explore 2 KORINTOS 5:18-19
5
2 KORINTOS 5:20
Sidaas daraaddeed ergo ayaannu u nahay Masiix aawadiis, sidii Ilaah oo idinka baryaya xaggayaga, Masiix aawadiis waxaannu idinku baraynaa, Ilaah la heshiiya.
Explore 2 KORINTOS 5:20
6
2 KORINTOS 5:15-16
Isagu wuxuu u dhintay dhammaan in kuwa nooli aanay u sii noolaan nafsaddooda laakiin ay u sii noolaadaan kan aawadood u dhintay oo u sara kacay. Taa aawadeed tan iyo haddeer ninna jidhka ku garan mayno, in kastoo aannu Masiix jidhka ku garan jirnay, haddase isaga sidaas u sii garan mayno.
Explore 2 KORINTOS 5:15-16
7
2 KORINTOS 5:14
Waayo, jacaylka Masiix ayaa na qasba, annagoo tan xisaabna inuu mid dhammaan u dhintay, sidaa daraaddeed ayay dhammaan dhinteen.
Explore 2 KORINTOS 5:14
Home
Bible
Plans
Videos