1
1 KORINTOS 11:25-26
Kitaabka Quduuska Ah
Sidaas oo kalena cashada dabadeed ayuu qaaday koobkii, isagoo leh, Koobkanu waa axdiga cusub ee dhiiggayga. Tan u sameeya inaad igu xusuusataan mar alla markaad cabtaan. Waayo, mar alla markaad kibistan cuntaan oo aad koobkan cabtaan, waxaad muujinaysaan dhimashada Rabbiga ilaa uu yimaado.
Compare
Explore 1 KORINTOS 11:25-26
2
1 KORINTOS 11:23-24
Waayo, Rabbigaan ka helay wixii aan idiin dhiibay, taasoo ah, in Rabbi Ciise habeenkii la gacangeliyey uu kibis qaaday, oo markuu ku mahadnaqay ayuu jejebiyey oo yidhi, Tanu waa jidhkaygii laydiin jejebiyey, tan u sameeya inaad igu xusuusataan.
Explore 1 KORINTOS 11:23-24
3
1 KORINTOS 11:28-29
Nin kastaa ha is-imtixaamo, oo sidaas kibista wax ha uga cuno, oo koobka ha uga cabbo. Waayo, kii cuna oo cabba, xukun ayuu naftiisa u cunaa oo u cabbaa isagoo aan jidhka garanaynin.
Explore 1 KORINTOS 11:28-29
4
1 KORINTOS 11:27
Taas aawadeed ku alla kii kibista u cuna ama koobka Rabbiga u cabba si aan istaahilin, jidhka iyo dhiigga Rabbigu dushiisay noqon doonaan.
Explore 1 KORINTOS 11:27
5
1 KORINTOS 11:1
Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.
Explore 1 KORINTOS 11:1
Home
Bible
Plans
Videos