1
Luukos 9:23
Ereyga Illaahey Axdiga Cusub
Markaas ayuu iyagoo dhan ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is naftiisa inkiraa oo iskutallaabtiisa maalin walba soo qaataa oona isoo raacaa.
Compare
Explore Luukos 9:23
2
Luukos 9:24
Waayo mid walboo noloshiisa badbaadin rabo wuu luminayaa, laakiin mid walboo noloshiisa darteyda u lumiyay wuu badbaadi doonaa.
Explore Luukos 9:24
3
Luukos 9:62
Ciise wuxuu ku jawaabay, “Ma jiro qof gacantiisa qoddo saaray oo haddana gadaal fiiriyay oo u qalma shaqada boqortooyada Illaah.”
Explore Luukos 9:62
4
Luukos 9:25
Qof maxey u taraysaa hadduu aduunkoo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo?
Explore Luukos 9:25
5
Luukos 9:26
Mid walboo aniga iyo ereygayga ceeb ku dareemaya, Wiilka Aadanahuna wuu diidi doonaa goortii uu ku yimaado ammaantiisa iyo ammaanta Aabihiis iyo tan malaa’igta quduuska ah.
Explore Luukos 9:26
6
Luukos 9:58
Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.”
Explore Luukos 9:58
7
Luukos 9:48
Kadibna wuxuu ku yiri, “Mid walboo cunuggaan magaceyga ku soo dhaweystaa wuu isoo dhaweystay, mid walboo aniga isoo dhaweystana wuxuu soo dhaweystay kii isoo diray. Waayo dhexdiina kan u hooseeya ayaa ugu weyn.”
Explore Luukos 9:48
Home
Bible
Plans
Videos